Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 696)

Ururka SOLJA Oo Magacaabay Gudida Anshax marinta Saxaafadda Somaliland

Ururka SOLJA Oo Magacaabay Gudida Anshax marinta Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (MSL0Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa magacaabay Guddi muddo sanado ah laga naawilayay oo ah Gudida Anshax marinta saxaafadda kuwaasi oo ka kooban shan xubnood iyo la Taliye sharci. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mudane Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu gudoomiyuhu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Gudidani […]

Boqor Cismaan Buurmadoow Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Ku Koobtay Beel Gaara

Boqor Cismaan Buurmadoow Ayaa Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Dhaqaalaha Sahaminta Shidaalka Ku Koobtay Beel Gaara

Hargeysa(MSL) Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadoow), ayaa xukuumadda dusha u saaray inay mad madaw farabadana ku tilmaamay inay hadheynayaan qandaraasyada baadhitaanka shidaalka isla markaana ay tixgelin weyday dadka deegaanka, waxaanuu Boqorku sheegay inay dawladdu cid gaar ah ku naas nuujinayso Qandaraasyadaas. Sidoo kale waxa uu Boqorku tibaaxay in dhaqaalaha ka soo xerooda shidaalka loogu talo […]

War-murtiyeed ka kooban Toddoba qodob ayaa laga soo saaray kulankii madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya

War-murtiyeed ka kooban Toddoba qodob ayaa laga soo saaray kulankii madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya

Ankara() Apr.13, 2013 – War-murtiyeed ka kooban Toddoba qodob ayaa laga soo saaray kulankii madaxweyneyaasha Somaliland iyo Somaliya ee maanta ka qabsoomay magaaladda Ankara ee dalka Turkiga, kuwaas oo kala ah sida soo socota:   In lasii wado wada-hadaladii u socday Labada dhinac. In la adkeeyo horeyna loo sii wado heshiisyadii hore sida: wada-hadaladii ka […]

Labada Madaxweyne ee Somaliland & Soomaaliya Oo Wada Xaajood uga furmay Turkiga

Labada Madaxweyne ee Somaliland & Soomaaliya Oo Wada Xaajood uga furmay Turkiga

Ankara(msl) Dalka Turkiga ayaa Martigelinaya Wada Hadalo foolka-ka fool ah oo u dhaxeeya Madaxweyneyaasha labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Wada hadaladdan foolka-foolka ah oo uu ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu, ayaa waxa ay si rasmi ah ugu furmeen labadda madaxweyne […]

Cali Maxamed Warancadde Oo Ka Tirsan Masuuliyiinta Xisbiga WADANI Ayaa Bogaadiyay Qurbajooga Rer Somaliland Ee Qaaradda Yurub.

Cali Maxamed Warancadde Oo Ka Tirsan Masuuliyiinta Xisbiga WADANI Ayaa Bogaadiyay Qurbajooga Rer Somaliland Ee Qaaradda Yurub.

Hargaysa(MSL) Siyaasiga Cali Maxamed Warancadde oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga WADANI, ayaa hanbalyo iyo boogaadin wuxuu u diray Qurbajooga rer Somaliland ee qaaradda Yurub, sidii wadaniyada lahayd ee ay u muujiyeen qaranimada Somaliland. Sidaana wuxuu ku sheegay war-murtiyadeed Hanbalyo ahaa oo uu nuqul kamid ah soo gaadhsiiyay Shabakadda Wararka ee maantasomaliland.com wuxuuna u dhiganaa sidan. […]

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas.

Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas.

Hargeysa(MSL) Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo khamiistii ka furmay magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga, ayaa la filayaa in maanta lagu soo gunaanado magaalada Ankara ee isla wadankaas. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay fiidkii gaadhay magaalada Ankara, waxaanay kulan yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Labada Madaxweyne, waxa la filayaa inay […]

Madaxweyne Ku xigeenka Oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub

Madaxweyne Ku xigeenka Oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub

Hargeysa (msl) Madaxweyne Ku xigeenka, ahna Ku simaha Madaxweynaha Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan qaaradda Yurub oo maanta banaan bax balaadhan oo lagu taageerayay qadiyada Somaliland ka dhigay xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed […]

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Ankara

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Ankara

Ankara(mal)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gaadhay caasimada dalka Turkiga ee Ankara. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka, waxa weftiga Halkaas si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaraha oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiin sar-sare oo ka socda dawlada Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed […]

Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga Oo La Iska Doortay Toban Xubnood Oo Ka Kala Socda Labada Geesood

Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga Oo La Iska Doortay Toban Xubnood Oo Ka Kala Socda Labada Geesood

Istanbul(MSL)Wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland ee Dalka Turkiga oo shalay ka furmay magaaladda Istanbul ayaa kulankii ugu horeeyay ee u qabsoomay lagu saaray toban xubnood oo labada Dal ka kala socda si ay isula meel dhigaan Ajandayaasha ay labada Dal ka wadahadli doonaan, muddada shirkaasi socdo Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in min shan xubnood oo […]

Wadamadda G-8 Oo Shir Ay Kamid Yihiin Waxyaabaha Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Iyo Wadamada Qalalaasuhu Ka Taagan Yahay Uga Furmay London.

Wadamadda G-8 Oo Shir Ay Kamid Yihiin Waxyaabaha Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Iyo Wadamada Qalalaasuhu Ka Taagan Yahay Uga Furmay London.

London(MSL) Shirka oo shalay ka furmay magaalada London waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socota wadamada Mareynkanka, Ruushka, Japan, Kanada, Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo wadanka Ingiriiska, kuwaas oo ah wadamada la isku yiraahdo G8-ka. Shirkan oo qaadan doona muddo Labo Maalmood ah, waxa lagaga hadli doonaa Xaaladaha adag ee iminka ka taagan wadamo Soomaaliya […]

Hadraawi Oo Ardeyda Jaamacadda Admas Muxaadaro Ujeedinaayey Ayaa Si Hufan U Tibaaxay Fikirka Uu Ka Aaminsan Yahay Soomaaliweyn.

Hadraawi Oo Ardeyda Jaamacadda Admas Muxaadaro Ujeedinaayey Ayaa Si Hufan U Tibaaxay Fikirka Uu Ka Aaminsan Yahay Soomaaliweyn.

Hargeisa (MSL) Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa xalay Jaamacadda Admas ku soo bandhigay maansooyinkiisa qiimaha iyo qaayaha leh, islamarkaans ka jeediyey muxaadaro ka waramaysa Sooyaalkiisii taariikheed, tii suugaannimo iyo halgankii faraa badnaa ee uu soo maray xilliyo iyo waayihii kala duwanaa ee noloshiisa. Waxa uu Abwaanku habeenkaas Ardeyda u jeediyey Qisooyin […]

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Qawaday Qawlka Uu Madaxweyne Siilaanyo Hoos Ugu Dhigay Qaranimadda Somaliland

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Qawaday Qawlka Uu Madaxweyne Siilaanyo Hoos Ugu Dhigay Qaranimadda Somaliland

Hargeysa (MSL) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in waftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Socdaalka ugu baxay Dalka Turkigu aanay ogeyn ajandaha lagaga wada hadlayo shirka u furmaya Somaliland Iyo Somalia. Waxa uu cadeeyay in ay arrintaasi ceeb weyn u soo jiidayso qaranimadda Somaliland, isla […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com