Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 749)

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas.

Jabuuti – Apr, 09, 2011(maantasomaliland):- Natiijooyinka doorashadii Madaxtooyada ee shalay ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad ku guuleystay xilka madaxtinimada dalkaas. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti waxay ku sheegtay natiijada codadkii la tiriyay in ay kala tahay 80.64% oo uu helay […]

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Gudidii Tallo bixinta ururada siyaasada ayaa maanta xarunta Akaadamiga Nabada iyo horumarinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland ee ku sugan Caasimada Hargeysa. Guddidani waxa kulankani noqonayaa kii tobnaad ee ay kula kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada dalka, waxaanay hore ula soo kulmeen Dhalinyarada, Culimadda, Ganacsatada […]

April 9 2011 (maantaSomaliland.com)- Roob lagu qabowsaday ayaa maanta ka da’ay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, sida uu xaqiijiyay Abokor Xasan Caafi, oo ah Suxufi degan Magaaladaasi.

April 9 2011 (maantaSomaliland.com)- Roob lagu qabowsaday ayaa maanta ka da’ay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, sida uu xaqiijiyay Abokor Xasan Caafi, oo ah Suxufi degan Magaaladaasi. Roobka ka da’ay magaalada Boorame ayaa xaafado ka mid ah magaalada Biyo dhigay, waxaana roobkan aad ugu farxay dadweynaha ku dhaqan Boorame. waxa kale oo roob weyn […]

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub.

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii sadexdii bilood ee la soo dhaafay Janaury illaa March u qabsoomay Wasaaradaha iyo Ha’yadaha dawliga ah ee xukuumaddan cusub. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada waxa uu halkaasi ka akhriyay qoraal ka kooban labaatameeye bog oo […]

Agaasimihii waaxda Farsamadda Ee Idaacadda Raadio Iyo Telefiishanka Qaranka ibraahin shiine Oo Ciidamadda C.I.D Xabsiga Dhigeen.

Hargaysa (maantasomaliland) Ap 7,2011- Agaasimihii waaxda farsamada ee ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland, gaar ahaan Idaacada Radio Hargaysa iyo Televishanka qaranka Mr Ibraahim Ibraahim Axmed Maxamed (Shiine), ayaa la sheegay in ciidamada dambi-baadhista ee CID-du xidhay Maanta abaaro 11:30 duhurnimo. Ma jiro war rasmi ah oo xadhiga masuulkan ka soo baxay, balse wararka aanu […]

Waxgaradka Deegaanka Widhwidh oo Daboolka Ka Qaaday inay Ka Qayb qaadanayaan Wada Hadalada nabada

(maantaSomaliland.com)- Waxgaradka Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa shalay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaqiii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu baaqay waxgaradka gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari. Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Widhwidh, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladaasi, waxay sheegeen inay doonayaan inay […]

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (maantasomaliland) Apr 6, 2011– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) oo ka mida culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa aad u dhaliilay ka baaqashada Madaxweyne Siilaanyo ee xuska maalinta aasaaska ururka SNM oo ah jabhadii dib uu celisay madaxbanaanida Somaliland sannadkii 1991-kii ka dib dagaalo lagu hoobtay oo ay la galeen taliskii Maxamed Siyaad Barre […]

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda

Guddida Tallo Bixinta Furashada Ururada Siyaasada Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Gudbinayaan Go’aankooda April 6th, 2011 “Waxa Yuusuf Tallaabo Caadaystay Inaanu Qarin Sirta Guddida Waxaanu khal khal geliyay Shirarkii” Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Guddoomiyaha Guddida Tallo-bixinta ururada siyaasada ee Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in dhammaadka bishan ay tallo bixinta hawsha loo […]

Sanad-guuradii 30-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaskii Ururkii SNM Oo Si Weyn Looga Xusay Hargeysa

Hargeysa (maantasomaliland)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SNM oo 6-dii bishii April 1981 lagaga dhawaaqay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha ee magaalada Hargeysa. Xafladii loogu dabaal degayay munaasibadaasi, waxa ka soo qeyb galay mujaahidiin xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo boqolaal qof […]

Tiro-koob Madax-taabasho Ah Oo Lagu Sameynayo Booliska Gobolada Awdal Iyo Salal

Hargeysa (maantaSomaliland)- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa hawlo Tiro koob iyo wacyi gelin ah ka bilaabay sadhigyada iyo fadhiisimada Ciidamada booliska ee Gobolada Awdal iyo Salal, waxaanay daraasad ku sameynayaan xaalada nololeed iyo agab ee ciidanka booliska. Saraakiishaasi oo uu hoggaaminayo Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Ciidanka Booliska Axmed Cali Maygaag waxa xubno ka ah […]

Taliyaha Ciidanka Booliska & Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Qarax Miino Oo Saaka Ka Dhacay Hargeysa Iyo Magacyadda 21 qof Oo Dhaawacyo Kala Duwan Ka Soo Gaadheen.

Taliyaha Ciidanka Booliska & Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa Oo Ka Hadlay Qarax Miino Oo Saaka Ka Dhacay Hargeysa Iyo Magacyadda 21 qof Oo Dhaawacyo Kala Duwan Ka Soo Gaadheen. Hargeysa (Ramaas) Aprill 5,2011– Taliyaha booliska Somaliland Md Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa ka mar dhawayd ka hadlay qarax miino oo saaka ka dhacay […]

Xildhibaan Nac-Nac Oo Weeraray Boqor Buurmadaw, Difaacayna Xukuumada Siilaanyo.

” Nac Nac Buurmadaw waxaan leeyahay dawlada uu la jooga ee Imaaraadka in la baadho ka hor intaanu dalka imin, halkan waxa ku sugaya Dr Gaboose oo u diyaar ah baadhistiisa, maaha nin waxa uu yidhaahdo la aamini karo wuu iska hadlaa mar walba, Madaxweynaha caafimaadkiisu waa uu wanaagsan yahay oo waxba ma qabo shalay […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com