Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 758)

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaashaanka U Daruuray Weerar Gardarro Ah Oo Ay Ku Soo Qaadeen Malleeshiyaadka Maamul Gobolleedka Puntland Ee Somaliya.

Gambadha(maantasomaliland) Mar. 08 2011 – Ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa iska caabiyay weerar ay ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku soo qaadeen shalay fiidkii ciidamada Somaliland ee fadhiya jiida hore ee Gambadha oo dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada weerarka soo qaaday dib loogu celiyay deegaanka Tukaraaq oo ay hore ugu sugnaayeen. […]

Taliyihii Sirdoonka Gobolka Laascaanood Oo La Dilay Iyo Ku Xigeenkiisii Oo La Dhaawacay.

Sirdoonka… Laas-caanood(maantasomaliland) Mar,08.2011-Sarkaal Sirdoonka Gobolka Sool oo lagu dilay xalay badhtamaha magaalada laas-caanood iyo sarkaal kale oo lagu dhaawacay. Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) ayaaToogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, iyadoo sidoo kale Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame. falkan ayaa la xaqiijiyey in ay geysteen dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan. Dilkan […]

Madaxweynaha Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Labaad Ee Hargaysa Iyo Nuxurka Khudbadihii Madaxda

Madaxweynaha Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Biriijka Labaad Ee Hargaysa Iyo Nuxurka Khudbadihii Madaxda Hargaysa (maantaSomaliland.)- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xadhiga ka jiray Biriijka cusub ee magaalada Hargaysa, kadib markii la dhamaystiray dhismaha biriijkaasi oo soconayay muddo dheer. Kaas oo noqonaya Biriijkii labaad ee ay yeelato Caasimadda Somaliland. Munaasibad ballaadhan oo […]

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Sheegay In Dawladu Aanay Awood U Lahayn Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Magaalada Hargeysa, Beeniyayna In Uu Ka Qayb Galayaan Shir Ay Fadhiyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada somaaliya

(Hargeysa) Mar. 02, 2011- Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay xukuumadu awood u lahayn wax ka qabashada xaalada biyo la’aaneed ee sannadaha badan ka taagan Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, taas oo ay ballan qaaday xukuumadu wakhtigii ay ku jirtay ololihii doorashadii madaxtooyada inay biyo […]

War Deg-Dega Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale.

War Deg-Dega Dagaal ka Socda Degaanka Kalshaale. Burco-(maantasomaliland.com)-War Deg-dega Dagaal ayaa ka SocdaDegaanka Kalshaale Dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeya Ciidamada Qaranka Soomaaliland iyo Kooxaha nabad Diidka ah ee ka Soo jeeda degaanka Buuhoodle. Dagaal kan ayaa hadda socda lamina sheegin waxa sababay dagaalkan waxaana la isku adeegsaday Hubka Noocyadii kala duwan.wixii warar ah ee soo […]

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya

(maantasomaliland) 1/3/2011 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo safar hawleed ku jooga dalka Itoobiya ayaa la kulan shir ah la qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, mudane Hailumariam Desaglen, islamrkaa ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya. Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya maalintii isniintii ee ay […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Magaalada Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Maalgeliyeyaal Shisheeye Ah. Hargeysa (maantasomaliland)) Mar. 01, 2011- Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Qasriga madaxtoooyada maanta ku qaabilay Wefti 7 xubnood ka kooban oo Maal-gashadayaal ah kana socda Dalka Maleysiya. Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha Weftiga uga Waramay Siyaasada Xukuumada Somaliland ee la […]

Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin

Hargeysa, Mar, 1, 2011-(maantasomaliland)- Xisaabihii Guud ee Qaranka Ibraahin Aadan Qaalin ayaa Chief Of Cabinenta Madaxtooyadda ku eedeeyay inuu ka danbeeyay xil-da uu sheegay uu marar badan weydiistay lacago aan khasnadda dawladda ku jirin oo uu ka dalbadayka-qaadistiisa, ka dib markii si. Xisaabihii Guud ee Qaranka oo maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyay xil-ka-qaadistiisa ku qabtay […]

Wakiilada Oo Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ka Dalbaday Inay Horkeenaan Golaha Lacagta Shilin SL Ee Ay Qaranka U Soo Daabacaan, Xukumadana U Jeediyey Soo Gudbinta Hay’ado………….

Wakiilada Oo Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ka Dalbaday Inay Horkeenaan Golaha Lacagta Shilin SL Ee Ay Qaranka U Soo Daabacaan, Xukumadana U Jeediyey Soo Gudbinta Hay’ado…………. Hargeysa (Ramaas) Feb29, 2011- Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si rasmiya uga dalbaday masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland inay u soo gudbiyaan golaha wakiilada lacagta Shilin SL ee […]

biyihii barkada kaydka hargaysa oo habeenkii situuga ah looga iibiyo booyado gaar ah‏

shaqaalaha iyo masuuliyiinta kaydka biyaha ee magaalada hargaysa ayaa dhawaanahanbashacbiga ku nool magaalada hargaysi ay farta ku fiiqayeen iyagoo ku eedaynaya inay si gaar ah oo tuugo ah uga ganacsada biyaha barkada kaydkaeemagaalada hargaysa oo leh qorshe maalin walba ay xaafadi u leedahay cabitaanka biyaha oo loo sii daayo qaar kamid ah dadka la jaarka […]

Xukumada Somaliland ……

Xukumada Somaliland …… Xukuumada Somaliland Oo Maanta Si Rasmi U Aastay Baraagihii Dagaalka Ba’an Sababay Ee Kalshaale, Siina Daysay 40 Maxbuus. Kalshaale (maantasomaliland) Feb. 28 2011 – Xukuumada Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaq in ay aastay dhammaanba baraagihii laga qoday deegaanka Kalshaale ee sababay dagaalkii dhiiga badan ku daadtay. Munaasabad loo sameeyay […]

Xawaaladda Qaran Oo Ka Hadashay Adeega Ay Qabato Iyo Qorshaheeda Cusub

Hargaysa (maantasomaliland)- Madaxa suuq gaynta Xawaaladda Qaran Express Cabdillaahi Jaamac Muuse ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay shirkaddani isug bedeli lahayd Baan Caalami ah oo la mid ah kuwa caalamka ka jira isla markaana buuxiya dhamaan shuruudaha iyo adeegyada Baananka. Cabdillaai Jaamac Muuse waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeelanay bogga ganacsiga […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com