Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland aad uga xun tahay Saraakiil Itoobiyaan ah oo dhawaan lagu qabtay Somaliland. Waxa uu sheegay inay raali gelin ka bixinayaan falkaasi

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland aad uga xun tahay Saraakiil Itoobiyaan ah oo dhawaan lagu qabtay Somaliland. Waxa uu sheegay inay raali gelin ka bixinayaan falkaasi islamarkaana ay talaabo ka qaadeen dadkii falkaasi ka dambeeyay. Madaxweyne xigeenka ayaa sidan ku sheegay mar uu u sii kicitimayay Itoobiya oo uu sheegay inu arimo shakhsi ah u tagayo.

“ Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa xidhiidh qoto dheer mana aha mid ku xumaanaya Arimahaa yar lagula kacay saraakiisha oo si khalada u dhacay.waanu ka xunahay wixii ku dhacay saraakiishii reer Itoobiya, Dawladduna waxay ka qaaday talaabo adag cidii loo tuhmayay falkaas inay ku lug leeyihiin, waxaanuna hor geynaynaa sharciga. Mar haddii aan masuul qaran ahay oo aan halkaas tagana masuuliyiinta Itoobiya waan ku qancin doonaa sidii wax u dhaceen iyo talaabada aanu ka qaadnay arintaasi.

Madaxweyne xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in arinkaasi si khalada u dhacay islamarkaana bin’aadamku khaldamo. Waxa uu sheegay in itoobiya tahay dalka ugu dhaw ee xidhiidhka ugu fiicana ka dhexeeyo Somaliland.

Todobaadadkii la soo dhaafay ayaa saraakiil Itoobiyaan ah lagu qabtay Gabiley kuwaasi oo la sheegay in la garaacay islamarkaana laga qaaday dhukumantiyo sir ah oo ay siteen. Dawladda Itoobiya ayaa arintaasi uga soo ashkatootay Xukuamada. Falkaasi ayaa loo xidhay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ilaalada Maayarka Gabiley oo falkaasi lala xidhiidhinayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com