Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahdi Cabdilaahi Turki oo kamid ahaa mujaahidiintii SNM ayaa manta oo ay ku beegnayd maalintii cabdilaahi askar lagala baxay miiska saraakisha ee magaalada hargaysa ka warbixiyey qaabkii ay ugala baxeen.

Mujaahdi Cabdilaahi Turki oo kamid ahaa mujaahidiintii SNM ayaa manta oo ay ku beegnayd maalintii cabdilaahi askar lagala baxay miiska saraakisha ee magaalada hargaysa ka warbixiyey qaabkii ay ugala baxeen.

Mujaahidku waxa uu sheegay in ay maalintaas ahayd maalin tariikhda somaliland ku duugan isla markaasna ay ka dhiidhiyeen qaabkii uu Maxamed Siyaad Bare shacabka u layn jiray.

Waxa kale uu intaasi raaciyey in ay isga iyo cabdilaahi askar iska soo raaceen magaalada xarshin ee dalka ithopia isla markaasna go’aan ku soo gadheen in shacabka la dulmayo ee 40ka cisho bandooga lagu soo rogay ay ka saraan.

Mujaahdi Cabdilaahi Turki iyo ayaa waxa uu sheegay in cabdilaahi askar lagu qabtay magaalada hargaysa

isla markaasna dib iskugu hawleen in ay la baxaan cabdilaahi askar.

Hawl galkaas ay fuliyeen waxa kaga dhintay darawlkii gaadhiga oo dhiig baxay iyo laba mujaahid oo kale kana mid ahaa ciidankii ay hawl galka wada fulinayeen.

Hadaba Mujaahid Cabdilaahi Turki ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta u waramayey Shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews isga oo ku sugan magaalada hargaysa waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay xiligii uu kusoo biiray mujaahidiinta SNM waxaana uu yidhi”

“Runtii magac SNM waxa lagu dhawaaqay 6april 1982 lakiin dhaq-dhaqaaqu waa ka horeeyey gudo iyo dibada lakiin anigu wakhtigii aan soo galay ururka SNM ale ha unaxariistee mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye(lixle)oo ii ahaa taliyihii hogaanka warshada xooga dalka somaliyeed haysta isla markaas anigana ii ahaa tilayaha ee aan hoos imanayey aniga oo jooga warshada kabista ee magaalada hargaysa ayuu waxa uu u yimid 1979kii Mujaahid Lixle waxaana uu ii soo bandhigay xaalada wadanka waxaanu wada fadhiisanay meel gurigayga ah waxaana uu i waydiiyey siday kula tahay in aynu dalkeena ka xorayno siyaad bare waxaan an ku idhi waa si wanaagsan ee inagu kici.

Dhinac kale waxa uu ka hadlay Mujaahdi Cabdilaahi Turki hawl galkii ay kula baxeen mujaahid cabdilaahi askar waxaana uu yidhi”Cabdilaahi Askar iyo anigu waxaanu ka nimi dhinaca itoobiya waxaanan kusoo baxnay aniga iyo cabdilaahi askar,mujaahid lixle iyo xayd oo imika dibada ku nool gaaro ahaan wadanka UK jeelkii mandheerana waxa la jabiyey 3jeni wari 1983kii.

waxa dhacday in bandoo lasaaray magalooyinkii anigu markaas waxaanu joognaa qaaxo waxaanan ku tashanay inaanu culayska uu siyaada bare saaray maatida iyo caruurta aanu ka qaadno oo aanu hawl gal kana aanu samayno meesha layidhaa Samatar Axmed ayaanu kasoo raacnay ilaahay ha unaxariistee waa dhintee baashe Faroole oo gaadhi wata waxaana ku nimi magaalada burco magaalada burcana waxa ka daganaa niman badan oo aanu garanayno halkaas ayaanu kusoo dagnay.

Mujaahdi Cabdilaahi Turki oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”aniga iyo ninka layidhaa cabdilaahi askar waxaanu qaabil sanayn magaalada hargaysa markaas aanu soo galnay waxa ay ku buuxday maalintii 40tanaad ee magaalada hargaysa ay bandoo saran tahay ee uu siyaad barane iman doono hargaysa waxaan soo raacnay kaadhi waxaana nugu waday nin layidhaa yuusuf foosto magaalada bandoo ayaa saran kaan taroolo badan ayaa naga horeeya aniga waxaan imi magaalada barbar cabdilaahi askarna waa uu iga danbeeyey magaalada burco oo uu wali joogaa waxa isna lasoo raacin donaa group kale

waxa dhacday maalintii aanu go’aansaynay waxa ay ahayd maalin khamiis ah waxaanan aanu nidhi waxa aynu hawl galkaas fulin donaa usbuuca danbe waxaana aanu meesha kuwada fadhinay 3nin oo kala ah Cabdilaahi Askar,ismaciil sheekh ibraahin markii aanu go’aankii kala qaadanay ciidamadu waa diyaar ayaa waxa dhacday waanu kacnay aniga iyo ibraahin kood buur waxaana ku nidhi cabdilaahi Maad naraaci markaas ayaa uu nagu yidhi mayee waan iska joogayaa,markaas ibraahin kood buur ayaa ku yidhi waar ismaaciilow waa kaas cabdilaahi askar ee hakula joogo cabdilaai askar ayaa halkaas loogu yimid waana la xidhay waxaana lagu xidhay miiska saraakiisha.

Dhinac kale Mujaahdi Cabdilaahi Turki waxa kale uu ka waramayaa gaadhigii ay watee oo ka fadhiistay iyada oo ay cadceedu sii dhacayso isla markaasna magaalada bandoo lagu soo rogay ayna lasoo baxeen cabdilaahi askar waxaana uu yidhi”Eedaanka makhriba waxa naluugu adimi doonaa buurta masalaha ee magaalada hargaysa dusheeda ayaa uu gaadhigii naga bakhtiyey halkaanu ka nimina dagaal xoogani ka socdo halkii ayaanu ku tukanay.

Waxa kale uu intaasi raaciyey”gurmadkii ayaa sidaas nagu soo dhaafay gaadhigii ayaanu ka shaqaynay waxan gaadhiga noowada ninkii darawalka ahaa oo dhaawac ah oo aamusan dhiig baxayna waxaana hore u dhaawacmay siciid dalab oo aanu baabuurka saaraynay biixina waxa ay kaga dhacday wadnaha,biixi iyo aniga ibraahin kood buurna waxaanu qaabil sanayn jabinta Albaabka biixina waxa uu iga xigay midigta waxaana uu soo istaagay kaabada nin naga soo toogtay meel foga ayaa ay xabada ku dhuftay biixi oo kaabada taagan waxaana ay kaga dhacday wadnaha aniga ayaa qaaday intiina gawaadhidii ayaa naga dhaqaaqday waanan soo xanbaaray markaan albaabka ka baxayo ayaa waxa joogay nin wuu dhintee la odhan jiray saleeb yare waa uu isugay niman badan oo nagu soo yaacayeyna waxa uu mariyey baas waxaanan ka talownay laami yar oo noo dhawayd waxaanan aanu galnay meel ergin ah oo aanu ku tuurnay ninkii dhaawac ahaa oo dhintay waanu orodnay waxaanan raacaynay gaadhigii oo dibada taagan sidaas ayaanu ku furanay cabdilaahi askar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com