Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Ucid ayaa si Adag u Canbaareeyay xadhiga Laba Hawl-wadeen oo ay sheegeen inay u xidhan yihiin Wasaarada Duulista iyo Hawada warsaxaafadeed

 

 

 

 


JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                
REPUBLIC OF SOMALILAND

     

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           {UCID}                                                                                                                                                                                 Justice and Welfare Party    

Ref/UCID/4139/2014                                                                                                Date: 21/07/2014

 

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan  Wasaarada Duulista Iyo Hawadda JSL

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynayaa Xadhiga Dulmiga,Sharci_Darada Iyo Xaqdarada Ah Ee Loo Geystey Laba Nin oo Kala Ah Wariye  Mustafe Axmed Herar (Jiciir) Kana Tirsan Shaqaalaha  T.vga Madax_banaan Ee Space Chanel iyo Abwaan Siciid Maxamud Gaheyr Oo Ka Tirsan Bahda Abwaanada,Macalimiinta iyo Qorayaasha Somaliland

Labada Masuul Ayaa Lagu Xidhey Saldghiga Madaarka Caasimada Hargeysa Galinkii Danbe ee Shaley,isla Xaleyna Loo Dhaadhiciyey Laba Meelood oo kala Duwan

Wariye Mustafe Axmed Herar Waxaa Loo Dhaadhiciyey Saldhiga Dhexe Halka Abwaan Siciid M. Gaheyrna Loo Dhaadhiciyey Xarunta Sirdoonka Gobolka Maroodi_Jeex

Labada Nin Ayaa Ka Mid Ahaa Dadkii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/rshiid Xasan Mataan Oo Galinkii Danbe Ee Shaley ka soo dagey Madaarka Caasimada Hargeysa (Egal International Airport )

Marki Aanu Weydiiney Taliyaha Saldhiga Madaarkana Waxaa Uu Noogu Jawaabey Waa La Sii Deynayaaye Iska Taga Marka La,Afuro Ka Dibe,Lamana Sii Deyn ilaa Imika

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu u Arkaa Xidhigaa Labada Nin Mid Lagu Dilayo Sumcada,kala Danbeynta iyo iLaalinta Sharciga

Waxaanu Marlabaad iyo Mar Sadexaadba Canbaareyneynaa Xadhiga Labada Muwaadin Ee Wasaarada Duulista Iyo Hawadda U Xidhan

Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna Uma Daawan Doono ku Tumashada Sharciga iyo Aasida Xuquuqda Muwaadiniinta Ee Xadhkaha Goosatey Afarti Sano Ee Ay Dalka Xukumayeen Xisbiga Kulmiye

Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyo Isla Markaana Wasaaradu Raali Galin Ka Bixiso Xadhiga Sharci_Darada Ah Ee Ay U Geysteen Labada Muwaadin

Isla Shaley Ayey Aheyd Markii Laba Masuul Oo Ka Mid Ahaa Waftigii Soo Dhaweynayey Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID Md: C/Rashiid Xasan Mataan,Uu Maamulka Wasaaradu Amar Ku Bixiyey In Aaney Labada Masuul Soo Galin Xayndaabka Madaarka Iyaga Oo ku Sababeeyey Wasaarada Ayey Maalin Dhaweyd  Dhaliileen

Taas Oo Uu Qirayo Taliyaha Madaarku Oo Uu Leeyahey Idinku Wasaarada ayaad Wax Ka Sheegteen Ee Iska Taga Oo Ha Soo Galina Madaarka

Dhaqamada Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xukuumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah

Allaa Mahad Leh

RAMDAAN KARIIM

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com