Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta kulan la qaatay Guddida Arimaha dibadda iyo Qorshaynta u qaabilsan Golaha wakiilad

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta kulan la qaatay Guddida Arimaha dibadda iyo Qorshaynta u qaabilsan Golaha wakiilada. Kulanka ayaa lagaga wada hadlay Arimo la xidhiidha Wasaaradda Qorshaynta iyo Deeqaha Somaliland dibadda ka hesho.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay Dulucda Kulanka Xarunta Baarlamaanka ku dhex maray isaga iyo guddida “Saaka waxaan u imid halkan (Baarlamaanka) anoo ka jawaabaya dalab ay dalbatay gudi hoosaadka arimaha dibada iyo qorshaynta ee golaha wakiilada inaan hor imaado oo aan u sharaxo hawsha aan kawad-no wasaarada qorshaynta, waanan u sharaxay hawlaha wasaarada, qaybaheeda iyo waxyaabaha ay qabato, su’aalihii ay gudidu iwaydiisayna waan kajawaabay, sifiican baanu kulankaasi noogu dhamaaday, waxaanan kubalanay inaan kulankale iskugu soo noqono maadaama ay rabadaan tahay marka ay rabadaantu dhamaato oo aan kala qaadanao war bixin faah-faahsan”ayuu yidhi

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ay warbaahintu waydiisay oo ku saabsanayd waxyaabaha ay waydiiyeen wasiirka gudi hoosaadka arimaha dibada iyo qorshaynta ayaa kaga jawaabay “ waxaanu dhamaanba kawada hadalnay qaab dhismeedka wasaarada qorshaynta qaranka iyo wax qabadkeeda gaar ahaan mashaariicda Somaliland ay ka hesho caalamka.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibada iyo qorshaynta ee golaha wakiilada Somaliland Axmed Cabdi Nuur (Gijaandhe) ayaa isna dhiniciisa sharaxay kulanka waxyaabahii ay kaga wada hadleen wasiirka “waxaanu kawada hadalnay wasiirka qorshaynta, horumarka iyo haayadaha la shaqeeya waxaanu runtii kulankayagani socday ilaa saacad iyo badh, runtii siwanaagsan oo naraaligelsay ayuu wasiirkuna noogu sharaxay dibna waanu ubalansanahay haddii eebo idmo”.ayuu yidhi Gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibada iyo qorshaynta ee golaha wakiilada Somaliland Axmed Cabdi Nuur (Gijaandhe)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com