Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyiisiinta Asxaabta Qaranka, kuwa Xukuumadda iyo ganacsato ayaa ku sii qul-qulaya Dalka Jabuuti, halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan xaflad Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku bixinayo Inan uu dhalayse

(Maantasomaliland)Siyiisiinta Asxaabta Qaranka, kuwa Xukuumadda iyo ganacsato ayaa ku sii qul-qulaya Dalka Jabuuti, halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan xaflad Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku bixinayo Inan uu dhalay.
Xafladdan oo si heer sare ah Dawladda Jabuuti u qaban qaabisay ayaa lagu waramayaa inay ugu yaraan Somaliland ka tagi doonaan sodomeeyo qof oo Marti-qaad ka helay qoyska haya talada Dalka Jabuuti.
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa hore u tagay Dalkaasi, Labada Guddoomiye Xisbi ee Kulmiye iyo Wadani ayaa shalay baxay, maantana waxa la filayaa hormadii ugu danbaysay inay ka dhoofi doonta madaarka Hargeysa.
Xafladda ay ka qayb galayaan masuuliyiintan ayaa saadambe ka dhici doonta dalka jabuuti taasoo lagu yagleeli doono Qoys lamaanaynaya Wasiir ka tirsan Xukuumadda Jabuuti iyo Gabadh uu dhalay Ismaaciil Cumar Geelle.
Meherkan ayaa noqon doona mid si weyn la isugu arki doono isla markaana marka laga yimaado macnaha ay xambaarsantahay ee dhaqanka, noqon doonta mid siyaasadaysan oo ay ku kulmi doonaan rag siyaasadda ku kala fogi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com