Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax Ka Baro Bisha Ramadaan W/Q: C/Raxmaan C/Laahi Wirdaani Qormadii 28-Aad

28. RAMADAAN IYO SADAQADDA.

Sadaqadu ma ogtahay inay tahay nolol ku noolaato bulshadu, ma ogtahay inay tahay iska war hayan u dhaxaysa bulshada muslimka ah ee wadda joogta

28. RAMADAAN IYO SADAQADDA.

Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni sideed iyo labaatanaad oo aynu kaga hadli doono xidhiidhka ka dhaxeeya ramadaan iyo sadaqadda.

Ramadaan waa bil sadaqo, adoomaduna ilaahayna daretii u caawiyaan masaakiinta ay walaalaha yihiin oo ay siiyaan wixii ay ku dhaamaan, hadii aad wax la baxdo ma ogtahay in aablkaaga in Eebe ogyahay, ramadaan waa bil ay dadku bixiyaan sadaqada iyadoo ay dhawr siyood oo kala duwan u kala bixiyaan, umalayn maayo in bishan gabagabada inaga maraysa in bilaa sadaqad inagaga tagi, bal ka waran qofka maalinksata wuu soomaa, sadaqadna wuu bixiyaa, ajarkiisa Rabi uun baa og, ay caado uga dhigano sidaynu u soomayno sadaqad aynu iyadna ku darno, taasi

waa iga dardaaran.

Sadaqada ajarkeeda halkan lagu soo koobi kari maayo, bishan barakaysan ee ramadaana xidhiid wayn ayey wadaagaan sadaqada, taa waxa tusaale kaaga filan, in soonka la waajibiyey sandkii labaad ee hijriyada, sadaqadana iyadna sanadkii labaad ee hijriyada ayey ahayd, Rasuulkeenii suubaana (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa ” saaqadu waxay dabooshaa cadhada ilaahay” hadba inayr oo bixisay oo intaas aad ku heshay ka waran runtii iyadna waa mid wayn.

Sadaqadu iyadna waa mid lagu tartamo, lagu kala dheereeyo, goob loogu barartamo jano baladhkeedu leegyahay samada iyo cirka oo la isku daray, taasna waxa kuu cadaynaysa ” cumar binu khadaab waa kii xoolihiisa badh bixnayey, abubakar sidiiq isna xoolihiisa dhamaan usoo wada bixiyey, cumar binu khadaab markuu arkay in abubakar ka dheereey waa kii yidhi dib kula tartami maayo abubakaraw, taasi waxay ku tusaysaa siday ugu tartami jireen sadaqada,

Sadaqadu ma ogtahay inay tahay nolol ku noolaato bulshadu, ma ogtahay inay tahay iska war hayan u dhaxaysa bulshada muslimka ah ee wadda joogta, ma ogtahay in tahay mid naxariis iyo kagacal ku jirto, sadaqadu waxa weeyaan ” waxa laga soo qaadayaa taajirka lana siinayo faqiirka”, waana mid uu ku noolaanayo ka bulshadeena dabaqada hoose ku jirtaa.

Hadaba waxaynu soo qaadan sida ugu haboon ee dadkeenu uga qayb qaadan karaan sadaqada oo ay ku lamaanaysiiyaan bishan barakaysan.

CAADAYSO SADAQADA.

Dhaqan hakuu noqoto sadaqadu, sidaad maalinkasta u soonto iyadana sadaqad u bixi, waana mid fiican oo laga yaabo in xataa la gaaga daydo, markasta caado ka dhigo masaakiinta suuqa joogta inaad siiso oo aad caawiso, iyo in xataa masaajid goobaha loogu talagalay in wax lagu ururiyo inaad markasta ama salaada kasta wax ku ridi, waayo waxaad baxstaaba waa mid aad hora marsatay, waana shidaalka aakhriro.

MASAAKIINTA OO AAD AFURISO.

Dadka darajada hoose kaga jira bulshada oo la afuriyaa waa sadaqo wayn, waayo waxaad xataa ajar kuugu filan inaad heli qofkaa soomanaa ee aad afurisay maalinkaa ajarkiisii, waxa laga yaabaaba in xataa qofkaa soomanaa ee aad afurisay kuu duceeyo.

HABEENADA DANBE EE RAMADAA OO AAD BIXISO.

Waxa fiican inaad iyadna sadaqada bxiso dhawrka cisho ee ugu danbeeya ramadaan, maxaa ka wanaagsan in sadaqada la baxdo habeen Alle ku waafajiyey lalatul qadri, waynu argnaa habeenka todoba iyo labatanaad oo kale iyadoo masaajida sadaqad laga qaadayo, waa habeen la fisho laylatul qadri, hadaba gacanta dib jeebka ugalin sadaqadna la baxso.

SAAKATUL FIDRI.

Sadaqadani horta iyadu waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabigeenii suubanaa (NNKHH), waxayna ku waajibtaa qofkii heli kara xiliga ay waajibto, waxayna ku waajibaysaa qofkii haysta wax ka badan quudkiisa, sababta loo bixinayana waa in ay kab u noqoto wixii gaf ahaa ee ka dhacay ruuxii soomanaa, iyo in ay u noqoto raashin Masaakiinta Muslimiinta.

Sadaqada waxay mataana yihiin bisha barakaysan ee ramadaan, aynu aad iyo aad ugu da’daalno sidii aynu wax u bixin lahayn, dadkeena masaakiinta ahna u quudin lahayn.

Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni sideed iyo labaatanaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo, kuwii naarta laga xoreeyana ha inaga yeelo, intaan aqoon korodhsi kan xiga iskugu imanayno waxaan idinku dhaafayaa,

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com