Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa socdaal Hawleed ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Badhan

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa socdaal Hawleed ku tagay Magaalo Madaxda Gobolka Badhan.

Wasiirka oo Idaacada Radio Hargeysa uga waramayay ujeedada Socdaalkiisan ayaa ku sheegay in uu yahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada ay ku sugan yihiin dadka deegaankaasi.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlay ayaa yidhi “Ujeedada socdaalkayagan ee gobolkani waxa ay tahay in aanu soo eegno arrimahiisa siyaasadeed, kuwiisa nabadgalyo iyo kuwiisa arrimaha bulshadaba loo kuur galo oo aanu la soo kulano madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo maamulka intaba.

Waxaana socda shirar ay leeyihiin beelaha halkan degani, in aanu ka

qayb galno, markaa safarka ujeedadiisu waa badan tahay,” ayuu yidhi.

Wasiir Cali Jaamac Buureed waxa uu sheegay in deegaamo badan oo uu soo maray uu ku soo arkay Abaar “Walaahi dhul badan ayaan soo maray waxaanan ku aragnay abaar oo dhulka badankiisa roob kama da’in, laakiin dhulka inta kale waxoogaa ayaa helay, dadka iyo xooluhuna aad bay u fiican yihiin” ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com