Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

– Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa shaaca ka qaaday inay maanta ciidanka qaranka ee jiida Gambadha ee gobolka Sool isku soo dhiibeen 20 askari oo hubkoodii wata oo ka soo goostay kooxaha Nabad-diidka ah.

shaqaleHargeysa (maantasomaliland.com)- Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas  Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa shaaca ka qaaday inay maanta ciidanka qaranka ee jiida Gambadha ee gobolka Sool isku soo dhiibeen 20 askari oo hubkoodii wata oo ka soo goostay kooxaha Nabad-diidka ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranku waxa uu sidaasi ku sheegay war-qoraal ah oo uu xalay soo saaray oo u dhignaa sidan:- “Abaarro 1:30 maanta waxa  isu soo dhiibay  Taliska ciidanka qaranka ee Jiida Gambadha  ee gobolka Sool, 20 askari  oo hubkoodii wata oo ka soo goostay Puntland.

Ciidankan oo ah dhalinyaro been loo sheegay oo dhawr bilood ka hor laga ururiyay degmadda Ceegaag ee gobolka Sool, ayaa gartay in kooxaha nabad-diidku ay jaho-wareeriyeen, sidaas daraadeed ay ku soo noqdeen dalkoodii kuna dhiiradeen inay  ku biiraan Ciidanka qaranka  JSL, iyagoo ku boorinaya inta ka hadhay tallaabadaasi caafimaadka qabta.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com