Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xoghayaha Fullinta Ee Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Aan Ka Soo Daahirin Xafiiskiisa Xilliyada Shaqada Iyo Cabasho Xoog Leh Oo Ay Dadweynuhu Ka Muujiyeen

Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa, Mowliid Waris Cabdillaahi, oo ka tirsan xubnaha Guddiga Fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa, ahna masuul qaranka u haya hawl weyn oo baaxadeeda iyo masuuliyadeeda leh, ayaan gebi ahaanba ka soo daahirin oo aan soo fadhiisan xafiiskiisa saacdihii caadiga ahaa loo tallo-galay hawl-maameedka shaqo ee xafiiskiisa, marka laga reebo hal saac oo subaxda hore ah, sidaana waxa aanu ku ogaanay kaddib markii aanu si toos ah ugu kuur-galnay waxa ka jira cabasho baahsan oo soo noqnoqotay oo ay shacabka ku nool caasimada Hargeysa, ee danaha u leh masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa ay ka muujiyeen maqnaanshaha aanu xafiiskiisa ka soo xaadirin Xoghayaha Fullinta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa, taas oo curyaamisay

habsami u socodkii hawl maalmeedkii shaqo ee uu masuulkani u hayay bulshada.

Xafiiska Xoghayaha Fullinta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa oo aanu si joogto u tagnay si aanu u hubino cabashadan, waxa aanu soo ogaanay soona xaqiijinay in Xoghayuhu uu xafiiskiisa soo galo subada hore abaaro Lixda arroornimo, isaga oo xafiiskiisa ku sugnaada muddo ku siman hal saac oo kaliya, kaddib-na waxa uu xafiiskiisa ka baxaa abaaro Todobadda subaxnimo, muddadaas oo ah wakhti aad iyo aad u kooban, waxaanad ku arkaysaa maalin walba dadweyne danno u leh xafiiskiisa oo gaaf wareegaya agagaarka albaabka xafiiskiisa Xoghayaha oo xidhan.

Hadaba, maadaama shaqada iyo masuuliyadda uu Xoghayuhu u hayo qaranka ay tahay mid aad u muhiim ah oo laf-dhabar iyo daynabo afullineed iyo maamul u ah habsami u socodka hawl maalmeedka shaqo ee dawladda hoose awgeed, ayaa waxa dibada u soo baxay cabashada ay shacabku ka muujiyeen maqnaanshihiisa, waxaanu hab-dhaqankan Xoghayuhu ay ka hor imanaysaa sharcigii iyo xeerarkii saacadaha shaqada ee uu Madaxweynaha Somaliland digreetadda Madaxweyne ku soo saaray.

Mar aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino Xoghayaha Fullinta Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaanay noo suurta-gelin in aanu helno, lamana garanayo sababaha keenay in uu masuulkani ku sugnaado xafiiskiisa hal saac oo kaliya, waxaanay Shacabka ku nool caasimada Hargeysa ee danaha ka yeesha dawlada hoose ay ugu baaqayaan masuulkan iyo masuuliyiinta xukuumadda ee ay arrimahani khuseeyaan-ba in si degdeg ah wax looga qabto cabashadan joogtada noqotay, maadaama xilka masuuliyada Xoghayuhu ay tahay mid xagal daac ku noqotay xil gudashadii kala socod siinta shaqada ee dawlada hoose.

Mar aanu isku daynay in aanu cabashadan ay dadweynuhu ka muujiyeen shaqada xoghayaha wax ka weydiino masuuliyiinta sar-sare ee maamulka dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, waxa ay ka gaabsadeen in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.
Xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdillaahi, ayaa xilkan loo magacaabay dabayaaqadii sannadkii 2011-kii, iyada oo uu xilka u kala wareejiyay Xoghayahan iyo xoghayihii ka horeeyay Maayarkii hore ee caasimada Somaliland ee Hargeysa Eng Jiciir, taariikhdu markay ahayd bishii,03-dii bishii November, sannadkii 2011-kii

cabdi qaadir maxamed ciid
– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=137643#sthash.xbPLLLnH.dpuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com