Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaan Maxamed Sul C/qaadir Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Maayarka Sallaxlay Oo Ku Eedeeyay In Suldaanku Uu Sallaxlay Raacinayo Gobalka HAWD

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku tilmaamay war been abuura oo aan sal iyo raadtoona lahayn Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa uu yidhi“Anigu Golihii Xeer-dejinta mayhi, Wasiirkii arrimaha gudahana ma hi,Sallaxlay haddii ay doonayso iyo haddii ay diideyso meel aan u soo maro inaan idhaahdo Bali-gubadle raaca ma jirto.Laakin waddanka xeerka u yaala ayaa loo baahan yahay inay cid-weliba inay sharciga hoos timaado”

Sidoo kale, mar uu Suldaan Maxamed la hadlayay Golaha Deegaanka Sallaxlay,ayaa waxa uu yidhi“Golaha deegaanka Sallaxlayna waxaan u sheegayaa arrintaas been abuurka,ee la leeyahay Suldaan Maxamed dhulkii ay Sallaxlay xukumaysay ayuu raacinayaa Gobolka HAWD.Xildhibaanada (Sallaxlay) waxaan leeyahay been ayaa

la idiin sheegayaa, ee ha qaadanina”.

“Xeerkii Gobolada iyo degmooyinka weli lama samaynin, waxaanay arrintaasi u taala Golaha sharci dejinta Somaliland, wax Suldaan Maxamed Sameeyana maaha ee sidaas ha loo ogaado. Waxa umadda fikirkaa khaldan loo gelinayaa waxa weeyaa, Xildhibaanada Golaha Deegaanku waxay dareemeen inay iska bedelaan Maayarka,taas ayaana waxan oo been ah uu Maayarku ku sameynayaa.Odayaasha magaalada Hargeysa joogana wuu soo maray oo waxa uu yidhi Suldaan Maxamed ha layga qabto, waxa lagu yidhi maxaa Suldaanka lagaaga
Suldaanka guud ee beelaha somaliland suldaan maxamed suldaan cabdiqaadir ayaa iska fogeeyay eedayn maayarka salaxlay u jeediyay suldaanka guud ee beelaha somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in maayarka salaxlay uu ka soo yeedho hadal odhanaya suldaanka ayaa Gobolka hawd ku daraya Salaxlay isagoo suldaanku sheegay inaanau isagu ahayn wasaaradii daakhiliga iyo sharci dajintii midnawaxaan doonayaa inaan ka hadlo arin ka soo yeedhay maayarka salaxlay oo uu leeyahay suldaan maxamed-baa salaxlay ku daraya Gobolka hawd waxaan leeyahay

Anigu Ma Ihi sharci dajintii dalka, mana ihi wasaaradii arimaha gudaha, mana ihi golihii deegaankee salaxlay waxaan ahay suldaan dhaqameed arinkaasina mid aniga ii yaala maaha ee waa mid u yaala sharci dajinta iyo wasaaraddaha ay khusayso, anigu bari horaan arinkaas soo jeediyay waana la iga diiday mana jirto cid aan arinkaas ku khasbayaa laakiin in maayarku arinkaas igu eedeeyomay ahayn isagoo qiiqa isku qarinaya oo ku fashilmay shaqadii loo igmaday

anigoo salaxlay caano u doontay ayuu maayarku “Shiine” ii yimi isagoo markaas igu yidhi suldaan meeshii waan ku fashilmay mana sii wadi karo markaa waxaan doonayaa in meeshii la igala wareego oo aan inanta “Kawsar awcali aw jaamac ku wareejiyo loona doorto maayar”
sidii loo doortay golaha deegaanka salaxlay ma jirto wax mushahar ah oo ay qaateen golaha deegaanku, degmadda cashuur badanbaa ka soo xaroota oo toon oo kale maalinkasta waxa ka soo xaraado intaasoo milyan hadana xildhibaanadu ma qaataan wax mushahar ah markaa waxaan odhan lahaa golaha deegaanka salaxlay waa inay iyagu doortaan cidkastoo wax u qabanaysa laakiin ma jirto wax aan anigu u soo galo arimahaas
mar suldaanka la waydiiyay waxa keenay in maayarku arimahan ku eedeeyo ayaa wuxuu ku jawaabay

adeer wuxuu igu haystaa maxaad salaxlay ka soo doontay anigu salaxlay waan tagayaa waxaana degan dadkaan suldaanka u ahaa ee maayarku waxay ahayd inuu qabto shaqada loo igmaday balse hadii uu qaban kari waayay may ahayn inuu aniga igu soo jeesto
Si kastaba ha ahaatee maayarka salaxlay oo baryahan la ciirciirayay fashil siyaasadeed ee la soo darsay ayaa suuqa u galay suldaanka guud ee beelaha somaliland si uu majaro habaabiyo kalfadhi golaha deegaanka Salaxlay doonayaan inay xilka maayarnimo kaga xayuubiyaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com