Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

– Mo Farah; Qaro-yaraanta Jimidhkiisa, Qor-qoraanta foolkiisa (wajigiisa), Qul-dhalaalka midabkiisa, Qosolka iyo muusoodka, Dhakadoo Qusaysani, waa Sumadda Qayrkii lagaga soocaa. Harag Qaro-Wayn iyo Hilbo ku qoofalantoona ma leh ee waa wayd qalanqoolshay oo Orodku Qaadh-shay, oo In-Siniinta iyo Qoyaanba tababarku jidhkiisa ka-geeyay! Waa nin liilshami-qalalay

Mo Farah; Qaro-yaraanta Jimidhkiisa, Qor-qoraanta foolkiisa (wajigiisa), Qul-dhalaalka midabkiisa, Qosolka iyo muusoodka, Dhakadoo Qusaysani, waa Sumadda Qayrkii lagaga soocaa. Harag Qaro-Wayn iyo Hilbo ku qoofalantoona ma leh ee waa wayd qalanqoolshay oo Orodku Qaadh-shay, oo In-Siniinta iyo Qoyaanba tababarku jidhkiisa ka-geeyay! Waa nin liilshami-qalalay, dubatoobay oo sida Qaansada soo qandoodsaday! Waa Qoob-dahab leh, Halyay Qaran oo Somalilander ah!intaa marka halkaa lagu hakiyo, Maanta, oo ay bishu tahay 17ka/07/2014. Waxa magaalada Zurich (Switzerland) ku soo gabagaboobay tartamada Ciyaaraha Fudud ee qaarada Yurub oo maalmahanba dalkaa ka socday. Waxa qayb ka ahaa tartanka Orodada noocyadooda kale duwan ee la cararayay oo ku jiray ka shanta kun ee Mitir ah (5km) oo uu koobkiisu madasha yaalay. Raga-raga ah ee madasha iskugu yimid ee u loolamayay kaalmaha kala duwan ee lagu abaal-marinayo biladaha Dahabka, Qalinka iyo Maarta leh waxa ka mid ahaa, Orod-yahanka Caalamiga ah ee reer Somaliland ee haatan u orda dalka UK, mudane Maxamad Faarax (Mo Farah).

Madashu, waa garoon kubadeed oo loo kala qoqobay ciyaaraha kala jaad-jaadka ee Tartanka Ciyaaraha Fudud ee Qaarada yurub. Qayb kasta oo gegida ka mid ahba waxa ka socda halgan lagu kala hororsanayo libinta. Waqtigii loo qorsheeyay in orodka masaafadiisu tahay 5000m (5km) uu bilaabmo ayaa soo dhawaaday. Durba waxa la sii bilaabay ka sheekaynta taariikhda Orodyahanka reer Somaliland! Kamarado u diyaar ahaa halka uu ka soo galayo Mo Farah ayaa caabaar yar dabadeed muuqaalkiisii soo tabiyay oo waliba u sii galbiyay ilaa iyo gulucdii maryaha lagu bedalanayay, wariyayaasha oo u oomanaa aragiisuna waxa ay dudubiyeen oo ay la boobeen faaladiisa iyo waxa maanta laga filayo.
Ka-dib, Tartamayaashii oo Mo Farah ugu aawan yahay ayaa isa soo tubay bartii orodka laga bilaabayay. Il-bidhiqsiga ayaa Saacada loo tirinayaa, farahaa nin kastaab isku taagay si aan looga cag-horayn. Baaqii ama Sumadii tilmaamaysay bilowga Orodka ayaa la muujay, jac iyo taw ayaa lagu siiyay. Nin waloowba waxaad hayso badka soo dhig ayaa ka dhacday, Guclo dheer ayaa lagu balaysimay, waxa la kala riixanayaa oo la kala boobayaa booska! Waa nin soo jiray oo soo jabay ee Mo Farax, markiiba waxa uu isku-meeleeyay halka ugu horaysa iyo inuu hogaanka orodka isagu qabto.
Cagtaa cagta la isku saaray; ”Cali iyo Cumar-oow Fardaha qoobkooda kala duwa”! Cidhibtaa hoosta laga boobayaa oo la isku xadayaaye Mo Farah daymada gaalaa-bixi, diid inuu xaga dambe ku hadho, qofka kowaad ama labaad inuu safka kaga jiro ku mitid. Xawaaraha iyo xawliga la kululee oo la kici, raga nin-ba meel ku liic oo lagu dhaaf. Laabkii ama wareegii u dambeeyay markii bilowgiisii la soo gaadhay dawankii calaamada u ahaa laga shanqadhi! Mo Farax, waa markii uu sugayaye Isa-sii daa oo dadkii ka dhex-siibay! Wax kale laguma tilmaami karo-e, sida Harimo-cad (Cheetah) qadoodi mudo dheer soo ahaa oo eryooday Cawl ay is-ceshanayaan caymadka. Tab iyo Taag waxuu hayayba badka soo dhig oo is-baaci. Ya salaam! Ya-salaam! Isku soo duuboo, indhaha Orodyahanada kale oo Shan ah, ayuu Mo Farah goobtaa iyo goortaa ku Tar-sheegay oo uu guushii bilada dahabka ah ee 5km ahayd si xarago leh ugu hantiyay!! Waxaasaa Xamaasad, Adkaysi. Raynrayn iyo Bogaadin la yidhaahdaa. Ma ahayn Biladani tii u horaysay ee uu Mo Farah qaado, dhawr cisho hortood ayuu isla tartankan ku hantiyay bilada kale ee dahabka ah ee orodka masaafadiisu tahay 10000M (10km)……. Hambalyo. hambalyo. Hambalyo.
Gabogabo; Waxan rajaynayaa in dhalin-yaro badan oo reer Somaliland ahi ay ku dayan doonaan Qoob-dahableh Mo Farah, oo aynu shashadaha Caalamka Xili aan dheerayn ka daawan doono kuwa badan oo kale oo bilado dahab ah soo Cantoobsada. Waxan aaminsanahay in Shinida uu ka biqlay Mo Farah ay ku aasan tahay dalka J.Somaliland oo ay u baahan tahay uun xaaladii ay ku soo biqli lahayd ee ay ku bixi lahayd. Dawladu J.Somaliland iyo wasaaradaha u qaabilsan Ciyaaruhu ha isk xil-saaraan ku dhiirigalinta dhalinyarteena.
In yar oo Kaftan ah; ”Nin Qodaalka Somaliland ku abtirsada ayaa Orodka Aduunka loo daba-fadhiisan oo aan Cidi dabadii hadlayn miyaad is-lahayd?! Yaab…… Wax walba Filo.
”Ha jirto Somaliland Oo Ha joogto”
Cali Cumar Xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com