Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

wasaarada arimaha dibada jamhuuryada somaliland ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay wax ka qabtaan kooxda fidmo wadayaasha ah ee uu hogaaminaayo cali khaliif galaydh kana wadaan deegaanada saaxdheer ee bariga gobolka sool(warsaxaafadeed)

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqday dalalka beesha caalamka inay wax ka qabtaan, isla markaana kooxda fidmo-wadayaasha ee Cali Khaliif Galaydh ku qanciyaan joojinta colaadaha ay ka wadaan degaannada Saax-dheer ee bariga Gobolka Sool.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Michele Cervone d’Urso iyo Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya Mr. James P. McAnulty, ayaa qoraal ay wadajir u soo saareen maalintii Jimcaha ugu baaqay dawladda Somaliland inay ciidankeeda kala baxdo degaanka Saax-dheer

oo 70km dhinaca koonfur-bari ka xiga magaalada Laascaanood, halkaas oo dagaal khasaare dhaliyey ku dhexmaray ciidanka qaranka iyo malleeshiyaad ilaalinayey Cali Khaliif Galaydh oo la doonayey in madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaro degaankaas maalintii Khamiista.

Haseyeeshee, war-mirtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland shalay oo Jamhuuriya u turjumay Af-Soomaali, ayaa lagu sheegay in degaanka Saax-dheer yahay dhul dalkeeda ah oo ay masuul ka tahay dawlad si dimuqraadi ah loo doortay, loona baahan yahay in beesha caalamku kooxdaas fidmo-wadayaasha ah ku qanciso inay joojiyaan colaadaha iyo xasillooni-darrada ay doonayaan inay ka ridaan qaybo ka mid ah Gobolka Sool, gaar ahaan degaanka Saax-dheer oo ku yaal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

“Waxa aannu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay kooxda fallaagada ah ee Cali Khaliif iyo taageerayaashooda ka joojiyaan inay ku kacaan falal dheeraad ah oo lagu waxyeellaynayo amniga, laguna abuurayo deganaansho la’aan ka dhacda magaalada tuulada Saax-dheer ee bariga Somaliland. Beesha caalamka, Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka jaarka waxa ka dhexeeya dano guud oo ay wadaagaan oo khuseeya ilaalinta, adkaynta xasilloonida iyo nabadgelyada, taasoo wax cad oo muuqda ahayd muddada 23-ka sanno ah ee Somaliland jirtay,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Siciid Cali Muuse.

“Cali Khaliif iyo kooxaha kalee qas-wadayaasha ah ee fallaagada (Khaatumo) waxay iska dhego-mariyeen, diideenna isku dayo lagu doonayey in khilaafka jira lagu xalliyo hannaan nabadgelyo oo wadahadal ah, taas beddelkeediina waxa kooxda Cali Khaliif sii wadeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen degaannada bari ee dalka, ugana fuliyaan falal argagixiso si ay u minjo-xaabiyaan xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku caano-maashay.”

Agaasime Siciid Cali Muuse oo ah suxufi ruug-caddaaya oo ka hawlgeli jiray laanta Afsoomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxa uu sidoo kale war-murtiyeedkiisa ku sheegay in dawlad hab dimoqraadi ah loo doortay ay gacanta ku hayso maamulka iyo ilaalinta qarannimada Somaliland, “Dawladda sida dimoqraadiga ah loo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa haysata awood dawladeed iyo kalsoonida siyaasadeed ee dadweynaheeda si ay u sugto nabadgelyada, una ilaaliso muwaaddiniinteeda, iyadoo sidoo kale awood sharci iyo xaq u leh inay farogeliso, kana fuliso hawlgallo amni gudaha xuduudaha dhulka dalkeeda. Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore si cad u muujisay inay ka go’an tahay sidii xal nabadgelyo loogu heli lahaa dhammaanba khilaafaadka jira, iyadoo soo dhawaynaysa fursad kasta oo suurtogeliya inay wadahadal lala yeesho kooxaha gudaha ka wada rabshadaha iyo dalalka dariska ahba.”

Sida lagu muujiyey war-murtiyeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, fallaagada Khaatumo, ayaa iska dhego mariyey in hab nabadgelyo lagu xalliyo dhibka jira, kuwaas oo lagu eedeeyo inay ku hawlan yihiin qorsheyaal rabshado iyo xasillooni-darro lagaga abuurayo qaybo ka mid ah Gobolka Sool.

“Si kastaba ha ahaatee, fallaagada Khaatumo waxay dooneen inay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ee bariga Somaliland ka abuuraan xiisad, dhaliyaanna rabshado iyo deganaansho la’aan, arrimahaas oo aanay dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan doonin. Rabshadihii u dambeeyey ee ka dhacay degaanka Saax-dheer waxay ahaayeen natiijo ka dhalatay hawlgal fallaagada Khaatumo doonayeen inay magaaladaas ka abuuraan, taasoo xiisad ka dhex abuurtay bulshada degaankaas,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Jamhuuriya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com