Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo uu ku tegay dalalka Maraykanka iyo Canada

Maxamed Biixi Yoonis,waxaanu sheegay in uu la kulmay masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo inta badan safiirada golaha ammaanka u fadhiya dalalkooda oo uu kala hadlay qadiyada Somaliland iyo waxyaabaha u qabsoomay intii ay Madaxbannaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliweyn.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.

“Waxaannu magaalada New York ee dalka Maraykanka kula kulannay masuuliyiinta Qarammada Midoobay iyo safiirro badan oo ah kuwa dalalkooda u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay, kuwaas oo aannu kala hadlaynay qaddiyadda Somaliland. Muhiimad wayn ayey ahayd in aannu dhegaysanno waxa nalaga qabo (aragtida), una sheegno waxa Somaliland u taagan tahay iyo waxaannu qabannay oo aannu ka dhaadhicinno Qarammada Midoobay iyo safiirrada hawlaha culus ee Somaliland u qabsoomay ee nabad, horumar iyo jaar-wanaag leh iyo weliba cilaaqaadka fiican ee aannu la leenahay hay’adaha Qarammada Midoobay ee halkan (Somaliland) deggan,” ayuu yidhi Md. Biixi.

Waxa uu intaa ku daray, “Waxa kale oo aan la kulmay Wasaaradda Khaarajiga ee Kanada oo iyaga iyo qolada kale (masuuliyiinta uu kula kulmay New York) labadaba hore ugumaannu tagin ee imminka ayaa noogu horreysa, markaa masuuliyiinta arrimaha dibadda Kanada waxaannu uga warrannay Somaliland iyo waxay tahay iyo sidii aannu iskaashi ula yeelan lahayn dawladda Kanada oo xidhiidhkoodu aannu hore halkan ugu badnayn.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com