Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo markii u horeeyay ka hadlay Muranka diwaangalinta Madaniga ah ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukumadda,

Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo markii u horeeyay ka hadlay Muranka diwaangalinta Madaniga ah ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo Xukumadda, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin inaan la habsaamin diwaangalinta Codbixiyaha islamarkaana ay diyaar u yihiin sidii la iskula sixi lahaa waxyaabaha ka khaldan Xeerka diwaangalinta iyo is waafajinta Diwaangalinnaha.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu xaqiijiyay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo isaguba saxeexeen heshiiska Mucaaradku ku doodayo ee ah in labada diwaangalinood isbarbar socdaan.

“Khilaafkan imika jira ee la buunbuuninayo, dadkii oo dhan waxay(Xisbiyada Mucaaradka ah) ku wareeriyeen heshiis baa la galay, Anagu waxaanu ka taaganahay heshiiskii la galay baanu Ogolahay.Anigoo Gudoomiyaha Kulmiye ah iyo Madaxweynaha ayaa saxeexnay.waxaanu nidhi labada diwaangalinood ba ha socdaan oo mid waliba hawsheeda ha qabsato. Dee meel aanu ku nidhi ha la daahiyo Diwaangalintii codbixiyaha iyo meel lagu horjoogsanayo Saxaafad baad tihiine miyaad haysaan? Marka dee wakhtigeedu yimaado hawsheeda waa in la bilaabaa” ayuu warbaahinta u sheegay Gudoomiye Muuse Biixi

Gudoomiyaha Kulmiye oo ka sii hadlaya Muranka Diwaangalinnaha waxa uu sheegay inay ogol yihiin sixida Xeerka Wakiilada horyaala ee sheegaya in qof aan haysan kaadhka aqoonsigu qaadan Karin ka codaynta waxaanu yidhi“Xeerkan lagu murmayo ee Golaha yaala, Golihii buu yaalaa, wixii shaki laga qabo ama sixid u baahan ee Umadda waxyeelayana waa inaynu dhamaanteen u guntano oo la saxo, wixii umadda wax u tarayana la ogolaado.

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu farriin u diray Xisbiyada Mucaaradka ah “Saaxiibaday waxaan leeyahay halkaas ayay inoo maraysay, waxaa ku xigtay waanu qaadacnay, dee horta Gudoomiye Cirro oo gudoomiyihii wakiilada ahi haddii uu leeyahay diwaangalintii waan ka baxay oo Faysal Cali Waraabe leeyahay diwaangalintii qaranka ayaan ka baxay sidee loo wada hadlayaa, waxaanu leenahay ka noqda ka bixida oo isku keen keena.waxa aad tabanaysaan sheegta, dalkana wuxuu ku soconayaa in la isdhegaysto, la isku garaabo si miyir qabtana loo wada hadlo”

Hadalka Gudoomiyaha Kulmiye ayaa u muuqda mid marag u furay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ku doodaya inaan la isku dabrin labada diwaan galinood, iyagoo ku doodaya inay ogol yihiin diwaangalinta madaniga ah haddii laga qaado shuruuda ah inaan diwaangalinta codbixiyaha la qaban doonin ilaa ta madaniga ah la dhameeyo, hase ahaatee Xukumadda ayaa ku nuuxnuuxsanaysa in qofka qaata Kaadhka aqoonsiga uu qaadan karo ka codbixinta taasi oo macnaheedu u muuqdo in la kala horaysiiyo labada diwaangalinood sida ku cad xeerka golaha horyaala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com