Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mardhaw fiidka caawa lagu bixinayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Hargeysa,

Gabadh uu dhalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mardhaw fiidka caawa lagu bixinayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Hargeysa, m

Munaasibadda bixinta iyo Meherka, ayaa caawa ka dhacaya Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxaana ka qaybgalaya dad fara badan oo isugu jira Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale ee Golayaasha dawladda, Boqollaal Madaxda Dhaqanka dalka ka tirsan oo lagu soo casuumay, Ganacsato iyo Marti-sharaf kale oo lagu maamuusay ka qaybgalka Casuumadda bixinta Gabadha uu Madaxweyne Siilaanyo dhalay.

ka tirsan oo aanay u suuragelin inay gudaha Madaxtooyada galaan, ayaa ku soo warramaya in Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ammaankeeda aad loo adkeeyey galabta, isla markaana Ciidammo dheeraad ah lagu xeeray Hareereheeda, waxaana ku qulqulaya Masuuliyiinta iyo Marti-sharafta kala duwan ee lagu casuumay ka qaybgalka Munaasibadda Meherka iyo Bixinta Gabadha uu Madaxweyne Siilaanyo dhalay.

Magaca Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Somaliland ee Caawa la bixinayo ayaa ah Hodan Axmed Maxamed (Siilaanyo), taasoo Wiilka la siinayo ee loo Meherinayaana yahay Kayse Xasan Xaaji Yuusuf, sida ku qoran Kaadhadhka Marti-qaadka Xafladda Bixinta iyo Meherinta oo ay arkeen Weriyeyaal ka tirsan Aftahannews.

ka tirsani waxay ku soo warramayaan inay indhohooda ku arkeen Baabuur tiro badan oo dhooban Safaaradda Masaarida (Maktabadda Masar) ee Madaxtooyada dhinaca Bari ka xigta illaa is-goyska Wasaaradda Maaliyadda ee Madaxtooyada dhinaca Galbeed ka xigta, intaasoo ay Ciidammada Ammaankuna joogaan, Gaadiidkaas oo ah kuwa ay Masuuliyiinta, Madax-dhaqameedka, Ganacsatada iyo Marti-sharafta Xafladda ka qaybgalayaa wataan. Waxaana Xafladda Arooska ka qaybgeli doona Fannaaniin Caan ah oo ay ka mid tahay Fannaanadda Nimco Yaasiin iyo kuwo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com