Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

dhalashada aqoonsiga qoysku waa mid aan looga maarmayn dawladaa hoose bixintooda haday tahay farsamo ahaan.((TAYSARO AMA FAMILY SHEET)).BY, hussein harbi tafatiraha sare ee shabakada maanta somaliland.com

Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga jamhuuriyada s/land shirkii burco 1991kii waxa kor u socday dhisida nidaamka dawladnimo oo inta badan ay ku guulaysteen shacabka iyo dawladihii soomaray s/land nidaamka dawladeed oo inta badan ahaa mid laga soo dhisay meel hoose waxa uu ahaa mid inta badan hana qaaday oo ay kow utahay nidaamka dawladeed ee maanta jira.
Marxaladihii kala gedisnaa ee qarankani soo maray waxa ka mida.
1-hubka dhigistii maleeshiyada
2-dhisidii ciidamada kala dawan ee qaranka
3-ansixintii dastuurka qaranka
4-samayntii iyo hirgalintii KACAGTA BASBORKA IYO AQOONSIGA IYO FAMILY SHEETKA.
5-doorashooyinkii kala duwanaa.
6-hirgalintii iyo taaba qaadkii nidaanka dimuquraadiga.
Dhamaan waxqabadkaa iyo guulahaasi waxa ay ku yimaadeen waa isutanasul, isqancin, wada jir, talo wadaag,
((WADA JIR BAY LABA GACMOOD WAX KU QABAN KARAAN)).
Xaalada maanta lagu jiro ee DIIWAANGALINTA MADANIGAA waxa lagaga bixi karaa waa wada jir isqancin iyo in si maskaxaysan loo eego oo la ogaado sida ay wax ku wanaagsan yihiin.
Waxa u baahan in la iftiimiyo waxa laga yeelaayo nidaamak aqoonsi ee hada jira kaasi oo ah nidaam ka hirgalay dhamaan gobolada dalka si toosana u shaqeeya kaasi oo ay bixiyaan DOWLADAA HOOSE ee dalku waxaan uu kh taagan yahay shacabka iyo dawladaba qiimo aad u sareeya waxa u furan xafiisyo si toosa u shaqeeya oo bixiya JINSIYADA MU WAADINKA
((TAYSARO AMA FAMILY SHEET)).
dhalashada aqoonsiga qoysku waa mid aan looga maarmayn dawladaa hoose bixintooda haday tahay farsamo ahaan.
Sidaadarteed xukuumada s / land gaar ahaan wasaarada daakhiliga waxa looga baahan yahay in ay cadeeyaan wixii laga yeelaayo nidaamkaa aqoonsi ee sida tooska ah ugu shaqeeya dalka kaasi oo ay bixiyaan dawladaa hoose nidaam sharci oo sax ahna mariyaan qofka ay siinayaan kaasi oo lagu xidho in uu cadeeyo muwaadinimadiisa.
Miyaa lalaalayaa sidii tii hore?
Miyaa loo bedelayaa qofka sita taahore?
Mise xalkalaa loo hayaa?
waxa xukuumada looga baahan yahay in ay cadayso taa waxa laga yeelaayo
Waxa qadiyada aqoosiga mu waadinku u baahantahay in la eego sharci ahaan iyo farsamo ahaanba lagana saaro siyaasada lana baahiyo talada iyo lafa gurka.
Waxa intaa dheer oo xukuumada looga baahan yahay in ay cadayso cida saxeexaysa IDga ama taysarada ay hada ku baaqday in ay bixinayso ma gudomiyayaasha gobolada mise maayarada .
Aqoonsigu kama maarmaayo sexeexa madaxda qaranka
Waatalaabooyinka u baahan in sharci ahaan la cadeeyo oo laga saaro muranka iyo siyaasada .
Waxa dawlada u fiican in ay dadka
Uga tagto wax dhaxal gala oo anfaca guud ahaan shacabka s / land.
Mucaaridkana waxa la gudboon in ay si aqooni ku jirto u qiimeeyaan danta guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com