Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti iskugu jira Madaxdhaqameed, Culimo awdiin iyo Siyaasiyiin ka socda Dalka Suudaan

Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti iskugu jira Madaxdhaqameed, Culimo awdiin iyo Siyaasiyiin ka socda Dalka Suudaan. Wasiirku waxa uu sheegay inay weftigu u socdeen sii xoojinta xidhiidh taariikhi ah oo Somaliland iyo Suudaan ka dhexeeya.

“Waxaanu halkan aad iyo aad ugu soo dhaweynaynaa Wefti balaadhan oo ka socda Suudaan oo ah waddan aynu walaalo nahay oo Cilaaqaad wanaagsan inaga dhexeeyo, dadkeena intii u horaysay ee waxbaratayna tacliinta Suudaan ayay ka baratay, aniguna aan imbadan ka shaqaynayay Suudaan.

Dadka Maanta inoo yimid ayaa kala ah la taliyeyaal Ra’isal wasaare, kuwa Madaxweynaha, Culimo awdiin,Suldaano iyo dad kala gedisan oo inoogu yimid sidii ay labada dal Cilaaqaadkooda iskugu soo dhaweyn lahaayeen, aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa Weftiga halkan inoogu yimid.waxaanu leenahay soo dhawaada, wadanku waa wadankiinii, waxaynu nahay laba wadan oo walaalo ah oo cilaaqaad taariikhi ah leh” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yooni

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com