Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ka soo saaray dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabliey, kaasoo galabta u dhintay

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa amar ka soo saaray dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo oo ka tirsan gobolka Gabliey, kaasoo galabta u dhintay dhaawac uu gaadhsiiyey Askari isla saldhiggaas ka tirsanaa, waxaanu si adag uga hadlay dilka Taliyeyaasha Ciidammada qalabka sida ee Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in Ciidammada qalabka sidaa huwan yihiin Sharafta, Karaamada iyo Haybadda Qaranka Somaliland, isla markaana cid kasta oo dhaawac iyo dil u geysataa tahay cadaw duullaan ku ah Sharafta iyo Qiimaha Qaranka ee ay Huwan yihiin.

Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Amar ku bixiyey in si deg-deg ah Sharciga loo hor-geeyo Askariga ka tirsan Booliska ee Salaasadii Maanta shanta Xabbadood ku toogtay Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-Case) oo afartii galabta oo toban daqiiqo dhiman ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo lagu dawaynayey markii lagala soo cararay Gabiley oo uu Askarigu ku dhaawacay.

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, isla markaana u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Saldhigga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-Case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay Askari ka mida Ciidammadii uu xukumayey ee Saldhigga Arabsiyo, kaasoo gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidammada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Madaxweynuhu kaga hadlay dilka Marxuumkaas.

Taliyahan geeriyooday ee maanta Askari ka tirsan Ciidanka Saldhigga Arabsiyo ee uu maammulayey, ayaa noqonaya Sarkaalkii saddexaad ee Askari dilo intii lagu jiray Bishii September ee shalay dhammaatay, waxaana Taliyahan ka horreeyey laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Millateriga Somaliland oo Askari Dable ah oo ka tirsan Askarta ay xukumayeen toogasho badheedh ah sidan oo kale ugu dilay Tuulada Qori-lugud oo ka tirsan Buuhoodle, kuwaasoo dilkoodu kacdoon ka abuuray gobolka Gabiley oo uu mid ka mid ah labada Sarkaal ka soo jeeday iyo sidoo kale gobolka Awdal oo Sarkaalka labaad ka soo jeeday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com