Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiiru dawlihii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa shalay markii afraad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Wasiiru dawlihii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa shalay markii afraad la horkeenay maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Waxaana la sheegay in maxkamadu dhegaysatay eedaha dacwadda loo haysto wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda daakhiliga u qaabilsanaa amniga, eedaha loo haysto ee ay dacwaddiisu la xidhiidho ayaa ay ka mid yihiin in uu wasiiro xukuumadda ka tirsan ku eedeeyay in ay ka tirsan yihii ururka Al-shabaab iyo sidoo kale musuq-maasuq baahsan iyo maamul xumo uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir ku Xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa la sheegay in markii shalay maxkamadda la hor keenay in uu iska difaacay dhamaanba eedaha iyo dacwadda lagu soo oogay, isla markaana uu isagu looyar isku noqday.

Ka dib markii ay muddo saacado ah socotay dhegaysiga dacwaddaasi ayaa waxaa soo xidhay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex, isaga oo sheegay in mar kale eedaysanahani maxkamadda la hor keeni doono 1-da bisha October ee soo socota.

C/laahi Abokor, ayaa xadhigiisu ka dambeeyay ka dib markii xilka laga qaaday laba bilood ka hor, isaga oo mudadaasina ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargaysa.

Dhinaca kale eheladda C/laahi Abokor ayaa ka dayriyay siidayntiisa, taasi oo ay sheegeen in aanay si fudud ku iman Karin ama lagu sii dayn kari, maadaama oo sida ay ku doodeen xukuumaddu ay maamulayso hawlihiisa, isla markaana ay wado qorshe ah in aan la sii daynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com