Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg qaybtii 1aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com

Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay.

Feysal Cumar Mushteeg

(1940kii-2012ka)

“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,

Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,

Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,

Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,

Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,

Wixii na dhibaaya naga dhowr.”

Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com

Waa Qormo aan laba sannadood ka hor qoray oo aan dib u nakhtiimay si aynu u maamuusno sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay geeridii naxdinta lahayd ee Macallin Feysal Cumar Mushteeg.

Waa halkii Gaarriye e’:Alleylehe qod baa dhacay, Alleylehe qar baa dumay,”Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye isagana aan u soo wada ducayno. Ha samaato oo ha la helo. Aammiin.

Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo

ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, xabaashana ha u nuuro.

20kii Bishii Sebtember 2012kii, ayaanu booqasho ku tagnay qolalka danbe ee yar yar ee cisbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaanu u dan lahayn qolka 6aad oo safka hore ah oo uu deggenaa ama ku jirayba fannaankii caan-baxay ee Feysal Cumar Mushteeg. Afar ayaanu ahayn: Mustafe Kiiko, Baashe, wiilkayga Aw Yuusuf iyo aniga. Aw Yuusuf oo qolkiisa yaqaannay ayaa noogu hor degay. Soo-noqodkii uu soo socday waxaanu ka garannay, in Feysal laga saaray qolkii. Intii aanu aw Yuusufba na soo gaadhin, waxa qolkii bidix ka xigay ka soo baxay Cawil (Bulbul) oo macallin reer Hargeysa ah. Wuxu noo sheegay in la qaaday shalay oo ay u yimaaddeen rag ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Faruur iyo Basbaas oo ka qayb-gelayay Bandhig-faneedka sannad walba bisha Oktoobar lagu qabto magaalada London. La-ye bas ayay ku sii qaadeen, ka dibna Berbera ayuu ku sakaraaday oo waa la soo celinayay. Tilifoonkii Muuse Cali Faruur ayaan garaacay, waxaana iga qabatay inantiisii oo ii sheegtay in ay maalintaa subaxnimadeedii dhoofayeen.

In uu Feysal Cumar Mushteeg dhakhtarka Hargeysa ku jiro waxaan ku ogaaday aniga oo magaalada Jubba ee Koonfurta Soodaan jooga badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Maa daama ay Iiddii soo dhaweyd, Feysalna aan xarragadiisa ogaa weliba macawis-jacaylkiisii, yarkayga Aw Yuusuf ayaan u sheegay in uu macawis iyo cumaamad cusbayd oo guriga yaallay u geeyo shaadhna u sii iibiyo. Isaga ayaa ii sheegay in uu xanuunsanayo oo ay cisbitaalka isugu iman jireen fannaaniin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Aadan Dacar, iyo Basbaas.

Aw yuusuf isagana aqoon ayaa u korodhay oo wuxu goob-joog u noqday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Feysal Cumar Mushteeg oo marinaya qaar ka mid ah sheekooyinkiisii malabku ka hibitiqaayay ee qof dhegaystaa aanu afka isku dari jirin, dhegtana xoqan jirin.

Feysal Cumar Mushteeg ayuu magaciisu ahaa. Qaybo badan oo nolosha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah ayuu aad iyo aad uga muuqday. Si aynu u garanno shakhsiyadda Feysal Cumar Mushteeg aynu u noqonno halkii uu ka beermay iyo gurigii uu ka soo baxay ama ku soo barbaarayba. Laba aan kala liidan oo magac iyo milgaba ku lahaa Hargeysa ayaa dhalay. Aabbihii wuxu ahaa Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa dadkii ra’yal- caamka Hargeysa samayn jiray ama qarqoori jirayba. Dhanka kale wuxu ka mid ahaa xertii Qaraamka. Waxaan ka mid ahay inta nasiibka u heshay in ay aragto Cumar Mushteeg oo suuqyada Hargeysa taxaashaya. Beryahaa Hudheelladan badani ma jirin ee waxa ugu mudnaa Oriental Huteelka oo saraakiisha iyo foolaadka magaaladuba fadhiisan jireen. In badan ayaan u soo lignaa Cumar Mushteeg oo sii gelaya ama ka soo baxaya, oo macawis iyo koofiyad xidhan, shaadhka gacmaha laabtay oo suxullada dushooda ku duubay, cumaamadi degta u saran tahay ulna sita. In uu carrab-jalaqo yar lahaa ayaan u malaynayaa.

Daba-ka-eri oo ahaa nin gabayaa ah oo caan-baxay ayaa maanso u soo dhiibay Tuke, taas oo uu ku sifaynayay gabadh uu duunka hoose ka jeclaa. Dadka uu ku soo hal-qabsaday waxa ka mid ahaa: Cumar Mushteeg iyo nin uu ku sheegay Cabdi Ina Wadaad oo uu uga gol lahaa Cabdi-dhuudhi oo qudhiisu ka mid ahaa odayaashii foolaadka u ahaa magalada Hargeysa. Maansadaa Tukaha ee Aadan Jaamac Guuleed (Daba-ka-eri) ka soo diray magaalada Seylac oo uu askari ka ahaa, waxa ka mid ahaa:

“Cabdi Ina Wadaad iyo haddaad, Cumar Mushteeg gaadho,

Codka aan ku faro iiga gee, waan cadhaysnahaye,

Inantaad cadceed soo baxdiyo, canabka moodaysay,

Inantii ragguba caashaqee, ceelka Herer joogtay,

Dhulku idinla ciiryaye siday, Cadar idiin dhaaftay,”

Waxay sheekadu leedahay in uu Daba-ka-eri markii danbe guursaday gabadhaas oo la odhan jiray Canbaro Nuur Yeey oo u dhashay Faadumo iyo Maxamed.

Feysal, hooyadii waxay ahayd Aamina Maxamed Bulxan. Dumarkii muddakarka ahaa ee Hargeysa ayay ka mid ahayd. Waxay saaxiibbo ahaan jireen Habar-yartay faadumo Cabdi Ibraahin oo ‘Dararamle’ hooyadii ahayd. Dhammaantood Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Awowgii Maxamed Bulxanna (Cawar) wuxu ahaa gabayaa degellada Soomaaliyeed aad looga yaqaanno oo af-tahan ahaa. Gabayadiisa hal-ku-dhegga noqday waxa ka mid ah “Dal-dhammeeye”, oo uu ku bilaabay:

“Burhaan gabay Bullaalow beryaha, beeg is-ma lahayne,

Waa taan ka baaliday sidii, beeyo roob helaye,

Aan beyaamiyo waa taan tixaa, buuni ku ahaaye,”

Waxaana dhex-taal u ahaa beydka ah: “Dadka nimaan baguugaha mar noqon, buugga laga waaye.” Waxaan si fiican u xusuustaa habeen nin Jaamicadda Boosaaso macallin ka ahaa BBC-da ama VOA-da laga wareysanayay oo uu marinayay gabaygaa caan-baxay ee Maxamed Bulxan.

Feysal Cumar Mushteeg, aabbihii iyo hooyadiiba kama ay xumeyn in uu fannaan noqdo, bal se waa ay ku majeeran jireen. Waalidkii beryahaa joogay iyo qaar badan oo immika joogaa se la mid ma aha. Feysal Cumar Mushteeg dareenkan wanaagsan ee waalidkiisu dhiirri-gelin ayuu u ahaa.

Saaxiibbadiisii fanka ay ku wada jireen lama ay qabin dhiirri-gelintaas iyo dareenkaa wanaagsan. In badan oo la mid ahayd deyro iyo duflaal waalan ayaa la qoray, taas oo saamaynteeda taban ku yeelatay noloshoodii faneed rag ha ahaadeen ama dumarba ha ahaadeen e’.

Sidii uu sheegay Axmed Saleebaan Bidde, Feysal Cumar Mushteeg wuxu ku dhashay kuna barbaaray magaaladan Hargeysa oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay. Cabdillaahi Fidaar oo Feysal mar la wada qoray dugsiga ayaan ka wareystay dhalashadii Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu ii caddeeyay in ay labadooduba dhasheen 1940kii.

(La soco Qormada 2aad)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com