Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa, ayaa sharaxaad kooban ka bixisay Dadka wakhtigan la siin karo

Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa, ayaa sharaxaad kooban ka bixisay Dadka wakhtigan la siin karo Fiiseyaal ay dhawaan bilawgooda shaacisay, waxayna sheegtay in lagu bixin doono xaaladdaha degdega ah.

Qoraal kooban oo ay Qunsuliyaddu Boggeeda Twitter-ka ku baahisay waxay ku sheegtay in Madaxda,dadka Xanuunsanaya iyo Ardayda uun wakhtigan la siin karo.

“Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa waxay hadda bilawday bixinta Fiiseyaasha Xaaladdaha degdega ah, tusaale ahaan Madaxda,Ardayda iyo dadka Xanuunsanaya oo kaliya” ayaa lagu yidhi Qoraalka Qunsuliyadda.

Qunsuliyaddu may sheegin in Fiisaha lagu qaadanayo Basaboorkak Somaliland iyo inkale balse waxay intaasi sii raacisay “Dadka Kale hawshoodii way socotaa,waxayna u bilaami doontaa si dhakhso ah”

Qunsuliyadda Turkiga oo furnayd dhawr bilood ayaa dhawaan shaacisay inay bilawday Fiisaha dal ku galka ee lagu tagi karo dalkeeda Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com