Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland waxay maraysaa marxalad xaasaasi ah doorashadana ma rabno sidee tii golaha deeganka oo kale CIDINA ma aqbali doonto hab danbe oo xun, waxana la sugaya in ay si xor oo xalaal ah iyo nabad gelyo ku dhaco, waxay u horseedi kartaa Somaliland inay qadarin ka mutaysato bulshadda caalamka, FAALO XUSEEN XARBI

rukunadda ay ku taagan tahay dimuqraadiyaddu waxa ka mid ah inuu hoggaanka dalku ku yimaaddo doorashadda shacabweyne xilkana uu hayo muddo ku cayiman Dastuurka, wakhtiga wakhtigaasi oo aan sinaba loo dhaafi karin duruufo aafooyin oo baahsan oo ku dhaca dalka mooyaane, inkasto oo xaalad adag oo garowshiiyo aan mudnayni la soo darsin dalkeena, haddana dhowr khilafyo aya dalka ka dhacay oo sababay inuu qaranku khatar galo, taas oo abuurtay xasarad siyaasadeed iyo isku horyimadyo dadweyne oo sababay inuu dhiig ku qubto wadooyinka gobolada dalka, arrintaasi waxay ku keentay dib u

dhac sumcadi wacnayd ee ay somaliland ku dhex lahayd bulshadda caalamka, niyad jabna ku abuurtay saaxiibadda u olaleeya qadiyada ictiraaf raadinta dalkeena Somaliland.
Sidaas darteed maanta oo cod aqlabiyad ah barlamaanku ku codeyeen xeerki diiwaan galinta oo la kaabay iyo in laba doorashadood ta madaxtooyadda iyo barlamaanka isku wakhti dhacaan, hadaba imika mas’uuliyad weyn ayay saaran tahay guddiga cusub ee ee loo dooran doono komishinka doorashooyiinka iyo xubna cusub ee matalaya xisbiyadda qaranka, waxaana loo gudbay maanta wajigi labaad in la dhiso gudigaas oo la rabo inuu noqdo mid xalaal ah ,looma baahnaan doono musuq maasuq danbe sidee ti 2010 oo dad badane ka shakiyeen natijadaasi laakin waa wax dhacay oo tagay, maanta khaladaad danbe uma bahnin ,Somaliland waxay maraysaa marxalad xaasaasi ah doorashadana ma rabno sidee tii golaha deeganka oo kale cSid ma aqbali doonto hab danbe oo xun, waxana la sugaya in ay si xor oo xalaal ah iyo nabad gelyo ku dhaco, waxay u horseedi kartaa Somaliland inay qadarin ka mutaysato bulshadda caalamka, taas oo u soo jiidi karta ictiraafka ay aadka loogu ooman yahay.

Ugu danbayn waa marxalad taariikhi oo ku soo ffol leh qarankan iyo shacabkiisa u keena isbedel iyo horumar iyo gabanimo, soo dhawaatay hawshaas waxaana ku khatimaya ha loo wada diyaar garowbo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com