Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa,

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxay u kicitimeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo ay kulammo kula yeelan doonaan Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya sal-u-dhigista nidaamka dimuquraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.

Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI IYO UCID

Guddoomiyeyaasha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxay warbaahinta uga warrameen ujeeddada socdaalka ay ku tegayaan magaalada Nairobi.

Waxaanay Saddexda Guddoomiye ee Saddexda Xisbi sheegeen inay Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Dhaqaalaha doorashooyinka ka taageera Somaliland ay ka wadahadli doonaan arrimo la xidhiidha labada diiwaangelintood ee Cod-bixinta iyo Madaniga ah iyo weliba hawlaha diyaarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo la filayo sida qorshuhu yahay inay badhtamaha sannadka soo socda ka qabsoomaan Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com