Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SBI: Tusaalaha Maalgashiga Somaliland Iyo DALIILKA Xukuumadda Ee Shirkii London

(MAANTASOMALILAND)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dedaal ugu jirta sidii ay indhaha Maal-gashadayaasha adduunka Somaliland ugu soo jeedin lahayd, si mustaqbalka shirkadaha adduunku u yimaaddaan dalka, una Maalgashadaan.

SHIRKADDA SHARAABKA SOMALILAND EE SBI

Waxaana shirkii ugu horeeyay ee xukuumaddu ku doonayso inay bulshada caalamka ku tusto fursadaha Maalgashi ee dalka yaalla lagu qabtay Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska. Halkaasi oo lagu casuumay Maalqabeenno tiro badan iyo weliba Diblumaasiyiin taageera Somaliland.

Shirkan oo muhiimaddiisa leh, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiirrada Ganacsiga, dibadda, Macdanta, qorshaynta iyo Madaxtooyada, kuwaasi oo shirka ka jeediyay khudbado dhammaantood ku taxaluqay faahfaahinta fursadaha ganacsi iyo Maalgaashi ee Somaliland ka jira.

Ka sakow masuuliyiinta dawladda waxa shirkaasi ka qayb-galay qaar ka mid ah shirkadaha hano-qaadka ah ee Somaliland ka shaqeeya, hasa-yeeshee warshadda sharaabka ah ee SBI oo badhtamihii sanadkii 2012-kii ay duleedka Magaalada Hargeysa ay ka hirgeliyeen mulkiilayaasha shirkadda OGF, ayaa ahayd tusaalaha ugu badan ee ay soo qaadanayeen masuuliyiintii dawladda ee hadallada ka jeediyay shirkii Maalgaashiga Somaliland ee la soo gabogabeeyay toddobaadkii hore.

Masuuliyiinta halkaasi ka hadlay, ayaa ku celcelinayey in shirkadda sharaabka ee SBI ku fadhido adduun gaadhaya $ 17 Milyan oo dollar, taasina ku timid muwaadiniinta shirkadda OGF oo aaminey inay dalkooda ku maalgashadaan adduunka intaasi leeg.

Madaxwayne Siilaanyo Iyo SBI

Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay Munaasibad ballaadhan oo 22-kii May 2012-kii lagu furay warshadda sharaabka ee SBI, ayaa wakhtigaasi sheegay in shirkaddani faa’iido badan Somaliland u leedahay, isaga oo si gaar ah u xusay magaca ay dalka iyo dadkaba u soo hoynayso .

Madaxwaynaha, oo maalintaasi ka hadlaya muhiimadda SBI u leedahay dalka ayaa yidhi “Ammaan ballaadhan-baan u soo jeedinayaa mulkiilayaasha shirkadda SBI, waayo waxaan halkan ku arkay (shirkadda) waxaan filayey ma ahayn, oo waa wax aad uga ballaadhan oo Somaliland ku faani karto, adeegga ay dalka ku soo kordhiyeen, waxa ka sii badan waxaynu ka faa’ideynno iyo sida ay adduunka inoogu xidhi karto iyo magaca iyo sharafta aynu ku yeelan karno, markaa hambalyo aad u ballaadhan ayaan u soo jeedinayaa”

Faa’iidada Dadweynaha

Shirkadda SBI, oo hadda ah shirkadda sharaabka ee Somaliland iyo dalalka Geeska Afrika ugu weyn, ayaa sharafta iyo Magaca ay dalka u soo jiitay waxa dheer in wakhtigan sharaabka ay soo saarto laga isticmaalo dhammaan dalalka Somaliland la deriska ah, sida Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaana ka faa’iidey oo shaqooyin ka helay boqollaal dhallinyaro ah, kuwaasi oo aan hore wax camal ah u haynin.

Dhanka kale, shirkadda SBI, ayaa ku guuleysatay in dalka laga joojiyo Coca Colihii hore dalka dibaddiisa looga keeni jiray, waxaana dawladdu joojisay sharaabkaasi, markii sharaabka SBI soo saarto ku fillaaday guud ahaan Somaliland, isla-markaana gaadhay dalalka kale ee Geeska Afrika

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com