Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Degmada Mandheera oo Olole Nadaafadeed ka fuliyay Magalada Abdaal

DSC02263Maamulka dowlada hoose ee degmada maandheera oo horkacaaya ururada bulshada ayaa manta olole balaadhan oo nadaafadeed kafuliyay magaalada abdaal oo xarun u ah degmada mandheera halkaasi oo qashin buuxdhaafiyay kasifeeyay wadooyinka hareeraheeda waxaana kaqayb qaadanaaya ololahan nadaafadeed ardayda iskuulada iyo macalimiintooda ururada haweenka ciidamada booliska bahda caafimaad iyo dad wayne aad utiro badan waxaana ugu horayn halkaasi kahdalay maamulka degmada oo ugu horeeyo gudoomiyaha degmada cumar cali xuseen oo sheegay inay saaka qaadeen olole lagu ururinaayo khashinka waxaana uu tilmaamay inay joogtayn doonaan maalinkasta oo khamiisa waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay cidkasta oo kaqayb qaadatay ololahaasi khashin xaadhixta sida ururada haweenka ee (aayasan.intifaac.iyo waaheen)

Waxa kale oo halkaasi kahadlay madaxda uruda kaqayb qaadanaayay ololahaasi nadaafadeed kuwaasi aa sheegay inay hiil iyo hooba lagarab taaganyahiin maayarka cusub ee dhowaan halkaasi loo magacaabay lana shayn doonaan

Maamulka degmada mandheera ayaa ah qaar ku cusub xilkaasi degmada kuwaasi oo dhowaan loo magacaabay una magacaabay wasiirka arimaha guduhu tanina ay tahay wax qabadkoodii ugu horeeyay ee ay qabtaan

Berbera Office

C/raxmaan maxamed cige

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com