Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Hore Oo Maxbuus Ah Oo Jeelka Dhexdiisa Ku Garaacay Maxbuus Ay Wasiir Walaalo Yihiin

Wasiir hore oo ka tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Xukuumaddii uu ka tirsanaa u xidhan,ayaa qolka uu ku xidhan yahay ee jeelka Hargeya waxaa lagula xidhay maxbuus ay walaalo yihiin mid ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda talada haysa ee Somaliland.

Wasiir xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor oo xabsiga ku jira iyo Nin lagu magacaabo Maxamuud Cali Xaaji Xasan, oo ay walaalo yihiin wasiirka madaxtooyada, ayaa isku dhex laayay gudaha xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay ku wada xidhanyihiin. Ma jiro war rasmi ah oo uu taliska asluubta Somaliland ka soo saaray dagaalkan, laakiin shabakada Waaheen oo soo xigatay warar xogogaala, ayaa baahisay dagaalkan. Waxay sheegtay in Cabdillaahi Abokor uu dhaawac gaadhsiiyay Ninka ay walaalaha yihiin wasiirka madaxtooyada oo ay isku qol ku xidhnaayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu labada maxbuus dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray, waxase warrku sheegeen in maxbuuska ay walaalaha yihiin wasiirka madaxtooyada ee dhaawacmay loola cararay cisbitaalka guud ee Hargeysa si loo daaweeyo. Cabdillaahi Abokor, ayaa muddo laba bilood ku siman u xidhan xukuumadda Somaliland, halka ninkan la sheegao inay walaalo yihiin wasiirka madaxtooyada oo laga soo xidhay magaalada Burco, isal markaana loo soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com