Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin(Cabdiraxmaan Dheere), oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xubnaha ugu cad-cad ee hogaaminaya garabka Xukumadda taabacsan ee Golaha wakiilada, ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro u soo jeediyay inuu fuliyo qodobo Xubnaha ka soo horjeedaa dalbanayaan

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin(Cabdiraxmaan Dheere), oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xubnaha ugu cad-cad ee hogaaminaya garabka Xukumadda taabacsan ee Golaha wakiilada, ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro u soo jeediyay inuu fuliyo qodobo Xubnaha ka soo horjeedaa dalbanayaan, waxaanu ka difaacay Eedo Gudoomiyaha Wakiiladu u jeediyay Madaxweyne xigeenka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaan Cidna Eryayn Gudoomiye Cirro balse Goluhu uga fadhiyo inuu sidii lagu ansixiyay Guurtida ugu gudbiyo xeerka Diwaangalinta, kana reebo qodobo uu ku daray.
“Cabdiraxmaan Cirro waxa uu indhaha ka qarsanayaa xaqiiqada hortiisa taala waayo cid ku qasabtay in go,aankii goluhu gaadhay ee 64 xildhibaan u codeeyeen, kaligii ayaan coday maca ciidankiisii meesha fadhiyey ee wadaniyiinta ahaa, xildhibaanadii labada xisbi ee Waddani Iyo Kulmiye xisbiga kale cidba kuma lahee ayaa u wada codeeyey,taas ayaanu doonayaa inuu ka baxsado oo cid kale ayuu eeda saarayaa waana ayaan daro, falaadhi cabdiraxmaanow gil gilasho kaaga go,I mayso ama madaxweyne ku xigeenka gurigiisa saar ama madaxtooyada saar ama guurtida saar, waxa lagaa doonayaa go.,aankii golaha wakiiladu ansixiyey inaad sidiisii golaha guurtida ugu gudbiso” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, waxa uu sharaxay Nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalo ay u gudbiyeen Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo, isagoo tilmaamay inay Gudoomiyaha wakiilada u gudbiyeen qoraal ah inaanu Golaha furi Karin ilaa uu fuliyo dalabkooda ah in xeerkii la ansixiyay Guurtida loo gudbiyo.

“Anagu maamuus ka xayuubin ma wadno, laba qoraal ayaanu samaynay oo aanu u qornay madaxweynaha iyo guurtida oo aanu leenahay xeerka uu gudoomiyuhu idiin soo gudbiyey maaha kii aanu ansixinay iyo wixii aanu u codaynay. qoraalka kalana waxa weeyaan mid aanu leenahay golaha ma furi kartid cidna kuugu iman maysee ha ku ceeboobine golaha guurtida u gudbi wixii yaala”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Xildhibaanka oo ka hadlaya Mawduucyada Gudoomiye Cirro rabo in Goluhu ku ansixiyo fadhiga aan caadiga ahayn ee Axada waxa uu yidhi“Labada mawduuc ee uu wataa waxa weeyaan in la ansixiyo guddida doorashooyinka iyo maaliyada, labaduba way hor yaaleen maalintii uu golaha xidhay waxaanan is leeyahay malaa waji gabaxa ayuu iskaga biinaayaaye wax nuxur ah oo ku dhex jiraa ma jiraan, marka uu kaasi baaqdana waanu furi doona golaha.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Axadda iskugu yeedhay Mudanayaasha fadhi aan caadi ahayn si loo ansixiyo Komishanka Doorashada, balse Xildhibaanada Kulmiye iyo xukumaddiisa taabacsan ayaa ku hanjabay in haddii Kulankaasi furmo Mooshin Maamuuska xayuubin ah lagu samayn doono Gudoomiyaha.
Muranka Golaha wakiilada ayaa ka dhashay Xeerkak Diwaangalinta oo Gudoomiye Cirro qodobo ku daray, kuwaasi oo keenay in Guurtidu hakiso Xeerka, balse Garabka Gudoomiyaha ayaa ku dooday in Xeerkan oo hore u jiray ay isla qodobadan Xukumaddu ka saartay ka dibna gudoomiye Cirro dib ugu soo daray.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Xildhibaan-Cabdiraxmaan-Dheere-Oo-Ka-Hadlay-Qodobo-Ay-Ku-Baajinayaan-Fadhiga-Golaha-Ee-Axada-iyo-Eedaynta-Gudoomiye-Cirro-U-Jeediyay-Saylici.html#sthash.r6xfpkH5.dpufXildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin(Cabdiraxmaan Dheere), oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xubnaha ugu cad-cad ee hogaaminaya garabka Xukumadda taabacsan ee Golaha wakiilada, ayaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro u soo jeediyay inuu fuliyo qodobo Xubnaha ka soo horjeedaa dalbanayaan, waxaanu ka difaacay Eedo Gudoomiyaha Wakiiladu u jeediyay Madaxweyne xigeenka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaan Cidna Eryayn Gudoomiye Cirro balse Goluhu uga fadhiyo inuu sidii lagu ansixiyay Guurtida ugu gudbiyo xeerka Diwaangalinta, kana reebo qodobo uu ku daray.
“Cabdiraxmaan Cirro waxa uu indhaha ka qarsanayaa xaqiiqada hortiisa taala waayo cid ku qasabtay in go,aankii goluhu gaadhay ee 64 xildhibaan u codeeyeen, kaligii ayaan coday maca ciidankiisii meesha fadhiyey ee wadaniyiinta ahaa, xildhibaanadii labada xisbi ee Waddani Iyo Kulmiye xisbiga kale cidba kuma lahee ayaa u wada codeeyey,taas ayaanu doonayaa inuu ka baxsado oo cid kale ayuu eeda saarayaa waana ayaan daro, falaadhi cabdiraxmaanow gil gilasho kaaga go,I mayso ama madaxweyne ku xigeenka gurigiisa saar ama madaxtooyada saar ama guurtida saar, waxa lagaa doonayaa go.,aankii golaha wakiiladu ansixiyey inaad sidiisii golaha guurtida ugu gudbiso” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, waxa uu sharaxay Nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalo ay u gudbiyeen Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo, isagoo tilmaamay inay Gudoomiyaha wakiilada u gudbiyeen qoraal ah inaanu Golaha furi Karin ilaa uu fuliyo dalabkooda ah in xeerkii la ansixiyay Guurtida loo gudbiyo.

“Anagu maamuus ka xayuubin ma wadno, laba qoraal ayaanu samaynay oo aanu u qornay madaxweynaha iyo guurtida oo aanu leenahay xeerka uu gudoomiyuhu idiin soo gudbiyey maaha kii aanu ansixinay iyo wixii aanu u codaynay. qoraalka kalana waxa weeyaan mid aanu leenahay golaha ma furi kartid cidna kuugu iman maysee ha ku ceeboobine golaha guurtida u gudXildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Xildhibaanka oo ka hadlaya Mawduucyada Gudoomiye Cirro rabo in Goluhu ku ansixiyo fadhiga aan caadiga ahayn ee Axada waxa uu yidhi“Labada mawduuc ee uu wataa waxa weeyaan in la ansixiyo guddida doorashooyinka iyo maaliyada, labaduba way hor yaaleen maalintii uu golaha xidhay waxaanan is leeyahay malaa waji gabaxa ayuu iskaga biinaayaaye wax nuxur ah oo ku dhex jiraa ma jiraan, marka uu kaasi baaqdana waanu furi doona golaha.”

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Axadda iskugu yeedhay Mudanayaasha fadhi aan caadi ahayn si loo ansixiyo Komishanka Doorashada, balse Xildhibaanada Kulmiye iyo xukumaddiisa taabacsan ayaa ku hanjabay in haddii Kulankaasi furmo Mooshin Maamuuska xayuubin ah lagu samayn doono Gudoomiyaha.
Muranka Golaha wakiilada ayaa ka dhashay Xeerkak Diwaangalinta oo Gudoomiye Cirro qodobo ku daray, kuwaasi oo keenay in Guurtidu hakiso Xeerka, balse Garabka Gudoomiyaha ayaa ku dooday in Xeerkan oo hore u jiray ay isla qodobadan Xukumaddu ka saartay ka dibna gudoomiye Cirro dib ugu soo daray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com