Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay isla markaana si kulul u cambaareeyey dhacday ay Jimcihii shalay kala kulmeen Maamulka iyo Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

 

Hargeysa(MSL):- Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay isla markaana si kulul u cambaareeyey dhacday ay Jimcihii shalay kala kulmeen Maamulka iyo Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Caasimadda Hargeysa.

DSCF0516

DSCF0507  DSCF0509 DSCF0511DSCF0508 DSCF0512 DSCF0513 DSCF0514 DSCF0515 DSCF0516 DSCF0517 DSCF0525 DSCF0526

Cambaarayntan ayaa timi markii Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad, Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan oo uu Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf ka mid ahaa iyo Taageerayaal labada Xisbi ka tirsan loo diiday inay ka gudbaan Xayndaabka Garaa’idka ah ee looga gudbo dhinaca gegada diyaaraduhu ku cararaan ee Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay Jimcihii doonayeen inay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi oo Madaarkaas ka soo degayey.

Shaqaalaha Madaarka oo amar ka haystay Masuuliyiinta sare ee Madaarka iyo Wasaaradda Duulista, ayaa diiday inay Xubno isugu jiray Xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan iyo Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad u oggolaadaan inay Bannaanka soke ee dadka Madaxda ah Masuuliyiinta iyo Taageerayaashu ay ku qaabbilaan oo ay ku salaamaan, taasoo ay ku tilmaameen cabbudhin iyo in Madaarku cid gaar ah Xabsi u yahay Madaxda Xisbiyada qaarkood.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan-Xoog) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland kana mid ah Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay inay ujeeddada ay Madaarka u tageen ahayd soo dhawaynta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, nasiib-darro-se si badheedh ah loogu diiday.

“Waad na arkaysaan in nala yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka sooma dhawaynaysaan, Jeelkaas baa nalagu xidhay, annagu waxaannu nahay Xildhibaanno, waxaannu soo dhawaynaynay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waana taa nalaga qufushay halkii aannu uga gudbi lahayn ee naloo diiday inaannu soo dhawayno.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog waxa uu ku eedeeyey amarka loogu diiday inay ka gudbaan xayndaabka dhismaha Madaarka ee eegaya dhinaca Dhabbaha diyaaraduhu ku cararaan inuu bixiyey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, waxaanu Xildhibaanku yidhi; “Maxamuud Xaashi ayaa bixiyey Amarka naloogu diiday inaannu soo dhawayno Guddoomiyahayaga, waxaana Madaarkii laga dhigtay Jeel cid u qufulan. Waxaannu caado u lahayn inaannu halkaa bannaan is-taagno oo aannu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo dhawayn jirnay.”

Sidoo kale, Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Madaarka Hargeysa u diideen inay galaan gudaha hore ee Dhabbaha diyaaradaha si ay Barxadda Madaxweynaha loo istaago ee lagu oo dhaweeyo ugu oo dhaweeyaan Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo ka soo laabtay Safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen Nairobi iyo Addis Ababa.

“Waa wax laga xishoodo waxani, waxaannu nahay Madaxdii Berrito iyo Madaxda Maanta-ba, Xisbiyo Qaran oo la doortay baannu metelnaa, waa ayaan-darro in Qufullo la isku xidho, iyadoo aannu soo dhawaynaynay Masuuliyiintii saddexda Xisbi Qaran. Arrinkani waa arrin fool-xun, waxaanannu u diraynaa Farriin Shacabka Somaliland oo aannu leenahay halla ogaado meesha aynu maanta marayno.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID Cabdirashiid Xasan Mataan.

Xubno kale oo iyaguna ka kala tirsan Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa cambaareeyey tallaabadan, waxaana markii ay Masuuliyiinta saddexda Xisbi iyo Akaademiyadda Nabadda iyo horumarintu ka soo degeen diyaaradda ee ay soo galayeen dhismaha Qolka Nasashada Madaxda ee Madaarka ay qaarkood ku qayliyeen Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Kuwaas oo iyagoo Muuse Biixi la hadlaya ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen; “Muusoow Madaarku Jeel idiin xidhan ahaan maayo, weligiin haysan maysaan, iyo ma maantaad Xabsi dadka lagu qufusho ka dhigteen Madaarkii Caasimadda.”

Weedhahaas iyo kuwo la macno ah ayay ku dhawaaqayeen Masuuliyiin iyo Taageerayaal UCID iyo WADDANI ka tirsan oo ka xumaa qaabka ay Hawl-wadeennada Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ula dhaqmeen.

Maaha markii ugu horreysay ee Masuuliyiin iyo Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI sidan oo kale looga hor-istaago inay gudaha Garoonka ku soo dhaweeyaan Masuuliyiintooda sar-sare oo ka soo degayey Madaarka Caasimadda Hargeysa, balse marar kala duwan oo hore ay tallaabooyin noocan ah kala kulmeen Maamulka Madaarka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com