Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wafdi ka kooban shan xubnood oo ka socda dawladda Turkey oo ka yimid dhinaca dalka Jamhuuriyadda Jibouti, ayaa booqday degmada taariikhiga ah ee Seylac,

Wafdi ka kooban shan xubnood oo ka socda dawladda Turkey oo ka yimid dhinaca dalka Jamhuuriyadda Jibouti, ayaa booqday degmada taariikhiga ah ee Seylac, waxaanay weftigu kormeer ku soo mareen goobo dhawr ah oo taariikhi ah oo ku yaala degmadda, dekadda iyo qaar ka mid ah dugsiyada degmadaa ku yaala.

Warkan oo ka helay illo wareedyo xogoggaal ah oo ka ag dhow maamulka degmada Saylac, ayaa intaa ku daray in weftigan shalay Saylac yimid ay ka mid ahaayeen Saraakiil sarsare oo ka socda Safaaradda dalka Turkey-gu uu ku leeyahay dalka Jamhuuriyadda Jibouti. waxaanu warku intaa ku daray in xubnaha weftigan ay ka mid ahayd dhismaha wado laami ah oo dhereerkoodu yahay Fartan Kiilomitir oo u dhaxaysa

Degmada Saylac Iyo Lowya-caddo, oo ay maalgelinayo dawlada Turkigu, Ugu danbayntii markii ay weftagani dhamaysteen socdaalka ay ku yimaadeen degmada Saylac waxay dib ugu laabteen magaalada Jibouti, oo ay ka soo kicitimeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com