Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Solja Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Xadhiga Suxufiyiinta Somaliland

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si adag Xukuumadda Somaliland ugu camaareeyay xadhiga joogada ah ee ay kula kacaso wariyeyaasha ala duwan eek a hawl gala guud ahaan saaafadda Somaliland,waxaanay sharci darro ku ilmaameen xadhiga Wariye ka hawl gala Horn Cable TV isla markaana uga soo waramamagaalada Gabilay ee xarunta gobolka Gabilay oo la xidhay.

Ururka SOLJA waxa uu sidaa ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Guddoomiye kuxigeenka Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Guule caawa soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee maanta somaliland.com ee Magaalada Hargeysa.Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii sidan:

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu si adag u cambaareynayaa, xadhiga argagaxa ah ee lagu kacay Wariyaha Telefishanka Horn Cable ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahim gelinkii dambe ee Maanta [Khamiis], kaasoo sida naloo xaqiijiyay hadda ku xidhan saldhig ku yaalla Magaalada Tog-wajaale.

Xadhiga Wariyahan oo ah mid kasoo horjeeda Shuruucda dalka u yaalla, sida Dastuurka iyo Xeerka ka fircamay ee Saxaafadda oo si cad u damaanad qaadaya xaqa iyo xuquuqda Muwaadiniitu u leeyihiin helitaanka Saxaafadda Madaxbanaanida, iyo sidoo kale, xoriyaadka aasaasiga ah ee Bulshadu leedahay inay fikirkooda soo bandhigi karaan.

Waxa kaloo, Madaxda iyo masuuliyiinta Heer-gobol ee dalka uga digaynaa, inay caadeystaan ku xad-gudbka xuquuqda Dastooriga ah ee Suxufiga, iyagoo bedelka arinkaasna ku raali- gelinaya Xukuumad, Xisbi ama cropped-mmsll.pngshaqsiyaad kale.

Sidoo kale mar labaad iyo saddexaad inta-ba, waxaanu Xukuumadda ugu baaqaynaa in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo Weriye Mukhtaar Maxamuud, oo sida xadhigiisu ka markhaati kacayey, sifaha xadhigiisa loo maray uu yahay mid bulshada xasuusinaya mid kamid ah Hab-dhaqanada lagu raali geliyo Hogaamiyeyaasha ammaanta jecel, xaqiiqadana neceb.

Waayo hadii Wariyuhu aanu soo tebin lahayn dhacdada Maanta [Shalay] ka dhacday Magaalada Gabiley, taasoo ah mida aanu u tuhunsanhay xidhigiisa. Ma waxa uu soo gudbin lahaa Iidheh, Ogaysiiska iyo Fariimaha dalabaadka ee bulshadu salaamaha isugu gudbiso.

Ugu dambeyn Ururka SOLJA, waxa uu Xukuumada usoo jeedinayaa inay ka waan-towdo xadhiga iyo gabood-fallada sii socda ee lagu Bar-tilmaameedsanayo Suxufiyiinta, iyagoo wajibaadkooda shaqo gudanaya.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com