Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone, ayaa war-saxaafadeeday London ka soo saartay kaga hadashay waxyaabaha ay ku soo aragtay intii ay socdaalka shaqo ku joogtay dalka Somaliland.

(london) Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone, ayaa war-saxaafadeeday London ka soo saartay kaga hadashay waxyaabaha ay ku soo aragtay intii ay socdaalka shaqo ku joogtay dalka Somaliland.

Ms. Lynne Featherstone iyo wefti culus oo ay hoggaaminaysay, ayaa safar shaqo ku yimi caasimadda Hargeysa, 20 October 2014, iyadoo kulan albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo xilligaas ahaa ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, waqtigaas oo Madaxweyne Siilaanyo safar ku joogay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Haseyeeshee, warsaxaafadeed Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska shalay oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, ayaa si faahfaahsan loogaga hadlay ujeeddada socdaalka Ms. Lynne Featherstone iyo weftigeedu ku yimaaddeen Somaliland, kaasoo ku qotomay sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka u dhexeeya labada dal, isla markaana xoogga loo saari lahaa in haweenka iyo habluhu noqdaan xuddunta ajandeyaasha lagu horumarinayo.

“Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland waxay dano guud oo isku mid ah ka leeyihiin sidii wax looga qaban lahaa, xalna looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka ka dhanka ah haweenka iyo hablaha yaryar, gaar ahaan halista gudniinka fircooniga iyo guurka carruurnimada iyo qasabka ah ee lagula kaco gabdhaha yaryar ee aan gaadhin da’da guurka,”

ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK, ayaa sheegtay in kulanka ay la yeelatay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland diiradda lagu saaray xallinta tacadiyada haweenka iyo hablaha, iyadoo xustay inay ku dhiirrigelisay in culus weyn la saaro wax-ka-qabashada dhibaatooyinkaas.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay wasiirka, ayaa sidoo kale kulamo la yeelatay muddadii ay joogtay Hargeysa (20 October 2014) dadka u dooda xuquuqda dumarka iyo hawl-wadeennada ururrada aan dawliga ahayn si ay wax uga ogaato waxyaabaha la qaban karo si taageero looga gaysto ilaalinta dumarka iyo hablaha reer Somaliland, iyadoo tibaaxday in dhinacyada ay la kulantay ku baaqeen in la helo hannaan sharci oo isku xidhan oo gebi ahaabna lagu mamnuucayo gudniinka fircooniga nooc kasta oo uu yahay.

Wasiir Lynne, waxa kaloo ay booqatay xarun caafimaad oo ku taal degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa oo loogu talogalay dadka baro-kacayaasha ah, halkaasoo sida warsaxaafeedka lagu caddeeyey ay kula kulantay dumar loo tababaray kala dheeraynta dhalmada iyo tallaalka carruurta.

“Tacadiyada lagula kaco dumarka iyo hablaha yaryar waa dhibaato ka taagan adduunka oo dhan oo Ingiriisku ka mid yahay, waana in si wadajir ah looga shaqeeyo cidhibtirka dhibaatooyinkaas. Somaliland waxa laga sameeyey horumar yar oo lagaga hortagayo tacadiyada dumarka, laakiin weli dhibku wuu jiraa, waxana hadhay dariiq dheer sidii tacadiyadaas loo afjari lahaa,” ayey tidhi haweenayda wasiirka ka ah dawladda Ingiriiska.

“Markii aan la sheekaystay haweenka Somaliland, waxa si cad iigu muuqatay inay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay in la sameeyo si looga hortago tacadiyada ka dhanka ah dumarka, waxayna sidoo kale haweenku u baahan yihiin inay si fiican fursad ugu helaan caddaaladda, taageerana ka helaan hay’adaha garsoorka, iyadoo qaab sharci loo maro xallinta tacadiyada galmada (sida kufsiga) iyo dhibaatooyinka kale ee haweenka loo geysto,” ayey warsaxaafadeedkeeda ku soo afmeertay Ms. Ms. Lynne Featherstone.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com