Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Laba Wariye ee ruug cadaaga ah ee sida weyn looga wada yaqaano dhammaan geyiga ay degaan ama ay ku nool yihiin dadka ku hadla Afka- Soomaaliga ee Cabdisalaan Ibraahin Hereri Iyo Axmed Xasan Cawke, ayaa safar shaqo ku jooga caasImadda Gobalka HAWD, ee Balligubadle.

warkiiugudambeeyay-midyar
Baligubadle-(MSL)- Laba Wariye ee ruug cadaaga ah ee sida weyn looga wada yaqaano dhammaan geyiga ay degaan ama ay ku nool yihiin dadka ku hadla Afka- Soomaaliga ee Cabdisalaan Ibraahin Hereri Iyo Axmed Xasan Cawke, ayaa safar shaqo ku jooga caasImadda Gobalka HAWD, ee Balligubadle.

Labadan wariye ee caanka ah oo uu goor dhawayd khadka telefoonka kula xidhiidhay Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), oo ka tirsan bahda Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews, iyaga oo jooga magaalada Balligubadle, ayaa si wadajir ah u sameeyay xarun cusub oo madax banaan oo la magac baxday Cawke and Herere media production, ayaa ku gudo jira samaynta barnaamij taxane ah oo la

macag baxay Hereri iyo Hargeysa, oo si taxanne ah oo madax banaan uga bixi doona Telefishanka qaranka Somaliland, iyada oo qeybtii u horaysay ee barnaamijkaasi ay ka bixi doonto Telefishanka caawa saacada afrkada bari marka ay tahay Tobanka habeenimo.

Labadan wariye, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta gobalka HAWD, ee Baligubadle, oo ah goob taariikhi ah oo ahayd xaruntii guud ee Urrurka SNM, xilligii lagu jiray halgankii ka dhanka ahaa dawladii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com