Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xadhiga labada Weriye ee ka kala hawlgala Telefiishanada Horn Cable TV Mukhtaar Nuux Ibraahim Iyo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hawlgala SOMSAT TV

Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xadhiga labada Weriye ee ka kala hawlgala Telefiishanada Horn Cable TV Mukhtaar Nuux Ibraahim Iyo Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hawlgala SOMSAT TV, isaga oo ku dooday inay sababo ammaan u hayaan labadan Weriye, isla markaana ay maxkamad u gudbin doonaan.

Badhasaabka Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay Khadka Telefoonka ugu waramayay Tifaftiraha Shabakada Hayaannews.net Mustafe Cabdi Maxamed (Mutafe-Jannaale).

Mar la weydiiyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Sababta ay u soo xidhxidheen labada Weriye ee u kala shaqeeya Telefiishanada Horn Cable TV iyo SOMSAT TV waxay tahay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Dadkii abuubulay shirkan ee ahaa dhalinyarada iyo haweenka Xisbiga KULMIYE ayaa waxay na soo gaadhsiiyeen dacwad ku saabsan saddex Weriye, markaa annaga ayaa soo xidhnay (Labadan Weriye) si aan ammaankooda u sugno,xalay mid ayaa Wajaale laga qabtay (Mukhtaar Nuux Ibraahim) midna maanta ayuu Magaalada soo galay oo waa la qabtay (Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud) labadoodiiba annaga ayaa hayna ammaan ahaan ayaan u soo xidhnay.”.

Sidoo kale, Mar la weydiiyay Mustafe-Shiine cidda eeda u haysta labadan Weriye ee aad xidhxidheen? Waxa uu ku jawaabay“Labadan inanba (Weriyayaasha) waxay is-haystaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, sababta oo ah waxay ka siidaayeen war been abuur ah, Xafladoodiina waxay ka dhigeen Hal-bacaad lagu lisay. Markaa xaflad dhan oo la qabtay ayay saddex inan oo yar-yar oo weriyayaal ahi u rogeen banaan-bax. Dad ay hayaan oo banaan baxayay ma jiraan, dadkii xaflada ka soo qabgalay oo tag taagan ayay duubeen. Dabadeedna waxay ka dhigeen inay banaan-baxayaan cid banaan-baxaysayna may jirin”.

Badhasaabka Gobolka Gabiley wuxuu sheegay inay maxkamad u gudbin doonaan labada Weriye, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Inamadan Weriyayaasha waxaanu u gudbinaynaa maxkamadda, arrin nabadgelyo ayaanan u haynaa”.

Maaha markii ugu horreysay ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xidhxidho Weriyayaal shaqadoodii gudanaya, balse way soo noqnoqotay,isla markaana ay taariikhda ku gashay inay tahay xukuumaddii ugu xidhxidhka badnayd Weriyayaasha.

Xadhiga labadan Weriye ayaa waxa cambaareeyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,isla markaana ka dalbaday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay si deg-dega xorriyadoodii ugu soo celiso. Sidoo kale waxa Cambaareeyey xadhiga weriyayaashan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo xukuumadda ku canaantay inay xorriyadooda u soo celiso Weriyayaasha.

Mustafe Shiine

Mustafe-Jannaale

Hayaannews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
xigasho

Email:janaale94@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com