Dib U eeg Heshiiskii Guurtidu Hore Ugu Xallisay Muranka Wakiilada Ee Hadda Muxaafadku Jabinayo
Heshiiskaasi Odayaasha guurtidu go’aamisay ayaa labada dhinacba si isku mid ah ugu qanceen,iyadoo aanay jirin cid wakhtigaasi ka biyo diiday, haseyeeshee wakhtigan ayaa Qodobo heshiiskaasi ka mid ah ay jabinayaan Mudaneyaasha Muxaafadka ah.
Qodobadaasi waxaa ka mid ah inaan Shir gudoonka oo ah Gudoomiye Cirro iyo labada ku xigeen,Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Aw-yuusuf aan xilka laga qaadin. Ilaa hadda Mudaneyaasha Muxaafadka ah ee Xukumadda taabacsan ma sheegin inay ka baxeen heshiiskii wakhtigaasi,balse waxa muuqda inay jabinayaan heshiiskaasi maadaama ay Mooshin xilka lagaga qaadayo Gudoomiye Cirro ay wadaan.
Sida laga warqabo wakhtigan khilaafka ku salaysan Xilka qaadista Gudoomiye Cirro, waxaa dhexdhexaadinaya Guddi Golaha guurtidu u saaray,kaasi oo ilaa Salaasadda la filayo inay soo saaraan xal lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Dib-U-Milicso-Heshiiskii-Guurtidu-Hore-Ugu-Xallisay-Muranka-Wakiilada-Ee-Hadda-Muxaafadku-Jabinayo.html#sthash.66gjjzfI.dpuf