Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guurtidu Hore Ugu Xallisay Muranka Wakiilada Ee Hadda Muxaafadku Jabinayo

Bishii labaad ee sanadkan, ayaa Guddi Golaha guurtidu u saaray Dhexdhexaadinta Khilaafkii Golaha wakiilada ee Cirka isku shareeray soo saartay Go’aamo lagu heshiisiiyay labada dhinac ee wakhtigaasi muransanaa oo ah Mudaneyaasha Xukumadda taabacsan iyo kuwa Gudoomiye Cirro taabacsan.

Muranka wakhtigaasi ayaa ku salaysnaa Awoodaha iyo Kuraasta Labada gudoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Aw-yuusuf Axmed oo hoos loo dhigay ka dib markii labada mudane hor istaageen isku shaandhayn Gudoomiye Cirro ku sameeyay Guddiyada joogtada ah.

Heshiiskaasi Odayaasha guurtidu go’aamisay ayaa labada dhinacba si isku mid ah ugu qanceen,iyadoo aanay jirin cid wakhtigaasi ka biyo diiday, haseyeeshee wakhtigan ayaa Qodobo heshiiskaasi ka mid ah ay jabinayaan Mudaneyaasha Muxaafadka ah.

Qodobadaasi waxaa ka mid ah inaan Shir gudoonka oo ah Gudoomiye Cirro iyo labada ku xigeen,Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Aw-yuusuf aan xilka laga qaadin. Ilaa hadda Mudaneyaasha Muxaafadka ah ee Xukumadda taabacsan ma sheegin inay ka baxeen heshiiskii wakhtigaasi,balse waxa muuqda inay jabinayaan heshiiskaasi maadaama ay Mooshin xilka lagaga qaadayo Gudoomiye Cirro ay wadaan.

Sida laga warqabo wakhtigan khilaafka ku salaysan Xilka qaadista Gudoomiye Cirro, waxaa dhexdhexaadinaya Guddi Golaha guurtidu u saaray,kaasi oo ilaa Salaasadda la filayo inay soo saaraan xal lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com