Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa balan qaaday in Xukuumaddiisu ay gacan weyn ka geysanayso jidka isku xidha Hargeysa iyo Balligubadle oo uu caddeeyay in ay tahay waddo muhiim ah

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa balan qaaday in Xukuumaddiisu ay gacan weyn ka geysanayso jidka isku xidha Hargeysa iyo Balligubadle oo uu caddeeyay in ay tahay waddo muhiim ah oo isku xidhaysa Hargeysa iyo Xaruntii halganka ee Balligubadle oo uu maanta Xadhiga ka jaray Wejiga 1-aad ee Jidka isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle.Jidkaasi waxaa haatan dhisan ku dhawaad 10Km.

1546192_670079726439217_7216710193714684507_n

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn aad u balaadhan kala kulmay dadweynaha deegaanka qaybihiisa kala duwan waxaana Madaxwyne Siilaanyo iyo xubnaha ku wehelinayay socdaalka xahig ka jarida wajiga koobaad ee wadada Baligubadle Hargeysa,ayaa munaasibad hadhimo ah loogu sameeyay duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha waxaa jidka ku soo dhaweeyay Ardayda Dugsiyada iyo Dadweyne ka tagay Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo si diiran ugu soo dhaweeyay Munaasibada xadhig ka jarista ah.

Jidka Baligubadle ilaa Hargeysa ayaa 60KM, iyadoo haatan 5Km ee u horeeya xadhiga laga jaray, waxaana la filayaa in dhismaheedu mudo qaato.waxaa hawsheeda dedaal badan ugu jira bulshada degaanka, inkasta oo Xukumadda Lacag ilaa Boqol kun oo Doolar ah ku dartay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa halkaasi ka sheegay inay qayb laxaad leh ka qaadanayaan dhismaha jidkan, isagoo tilmaamay In Baligubadle tahay goob taariikh ah islamarkaana Xarun u ahayd halgankii SNM dalka a ku xoraysay.

10153910_670079439772579_6772273127051480524_n63441_670080479772475_9197271494440069257_n

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com