Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Cumar, ayaa Shuruud Adag ku xidhay taageero Beeshu siiso Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu sheegay inay heshiis la galayaan.

Suldaanka Guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Cumar, ayaa Shuruud Adag ku xidhay taageero Beeshu siiso Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu sheegay inay heshiis la galayaan.

Suldaan Cumar, ayaa Shuruuda ka dhigay in Madaxweyne Siilaanyo dhamaystiro Jidka isku xidha Hargeysa iyo Baligubadle oo hadda 5Km ee u horeeya yXadhiga laga jaray, badalkeedana uu heli doono Codka Bulshada degta degaanka Wadadu marto. Jidka Baligubadle-Hargeysa oo ka badan 60KM, waxaa haatan dhisan 5Km oo si tayo  fiican leh loo bineeyay.

“Wadada ayaan inyar ka odhanayaa,Wadada Barnaamijkeeda waa la tilmaamay,Madaxweynahaa dhagax dhigay,Baligubadle ayuu ka dhagax dhigay goob joogna waan ka ahaa.Illaahay Mahadii waynu bilawnay, Dhamaystirkeedana Madaxweynahaa laga sugayaa. Waliba anigu odhan maayo intaa noo same iyo intaa noo sameeye Madaxweyne Heshiis baynu galaynaa, heshiiskaas aynu galaynaa waxa weeye, Adigana waanu ku dhisaynaa, Adiguna tan(Wadadan) dhis.taas intaas baan ku soo koobayaa oo Bahashan(Wadadan) iyo Reerku way isku xidhan yihiin, Reerka Arinkiisu Wadadaas buu ku Iib galayaa” ayuu yidhi Suldaan Cumar.

Suldaanku waxa kale oo uu ka hadlay Buuqa ka dhashay Xilka qaadista Gudoomiyaha waddani iyo ahmiyada amaanku leeyahay “Qoladan Habar-yoonis ee halkan ka buuqday Madaxweyne Anigaa a damiin ah oo nabad galyadooda qaabilaya.Wixii ay ku khaldan yihiina waan ka qabanayaa, wixii ay daw ku leeyihiina waan kuula imanayaa,qoladaas sidaas baynu ku dejinaynaa” ayuu yidhi Suldaan Cumar.

Suldaanku waxa kale oo uu ka digay in Hargeysa la kala sheegto. Waxa uu soo jeediyay inaan Caasimada la kala sheegan oo dadku wada yeesho.

Badiba Madaxdhaqameedka Gobolka Hawd iyo waxgaradkeeda ayaa carrabka ku adkeeyay in Kaalinta Xukumaddu ka gaysato Jidka Baligubadle oo aanay wali waxba ku darsan marka laga reebo Boqol Kun Oo Doolar oo ay ku sheegeen Hadiyad uu ku xidhaan doono cilaaqaadka dhanka Codka ee Xukumadda iyo bulshadaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com