Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Xisbiyadda Mucaaridka ku eedeeyay inay Bulshadda sawir khaladan ka siiyaan Ciiddanka RRU-da.

Hargeysa (maanta) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Xisbiyadda Mucaaridka ku eedeeyay inay Bulshadda sawir khaladan ka siiyaan Ciiddanka RRU-da.

Xildhibaan Nac-nac oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa uu yidhi, “Nimankan Mucaaradka ah meel kastaba ha joogeene ee Illaahay ku salliday Booliskii ilaalinayay ee RRU-da la odhan jiray, waxaan u sheegayaa Ninka maanta Mucaaradka ahi barito waxa uu noqon karaa Nin waddanka maamula,markaa haddii ay Booliska kala diraan oo ay yidhaahdaan Ingiriisow naga qaad RRU-da waxbay nagu hayaane, hadhaw yaa ilaalin doona. Waxaanu leenahay waa qaran dumisnimo, waxaas oo kale looma baahna, Booliskeena yaynaan waxba ka sheegin,waxaan duco ahayn oo aynu ku taro mooyee yaynaan waxb ak sheegin.anagu barigaanu Mucaaradka ahayn, qolada Booliska ah ee SPU-da la odhan jiray, mar aanu Mudaharaad ka hor dhigaynay Cisbitaalka Hargeysa labadii igu xigaybay Xabadi ku dhacday, haddana mar kaliya maanu odhan SPu waa sidaas iyo sidaas, waxaanu u arkaynay Niman shaqadoodii haysta oo ka soo baxay, markaa waxaanu leenahay Ciidankan Booliska ee Nimanka Mucaaradka Illaahay dhakada ka saaray ha ka waantoobaan” ayuu yidhi XIldhibaan Nac-nac oo Hargeysa kula hadlay Saxaafadda.

Xildhibaan Nacnac waxa uu intaas ku daray “Nimankan Mucaaradka ah ama Madasha ha ahaato ama Xisbiyada ah ahaato eel eh Boorama Ciidanka halaga qaado, waxaanu u sheegaynaa Ciidanka Somaliland waa mid meel kasta oo uu joogo nabada ilaalinaya, waa mid ilaalinaya qofka Qaranimada duminaya oo isagoo jeebaysan soo qabto. Markaa waxaanu leenahay sidaa Umadda cod kaga helimaysaan, wax kalena kaga heli maysaan. Awal waxaad ku marmarsoon jirteen Madaxweyne Siilaanyo ma hadlo,ma Kaco, ma socdo, imikana waxaad ku marmarsoonaysaan Boorama Ciidan halaga qaado, waxaanu leenahay waar dadka u sheega waxa aad qaban doontaan iyo waxa dawladdu qabatay, hadalka wanaagsan baa wax lagu helaaye, laakiin, Ciidanka Boorama hala qaado war maaha, yaa ilaalinaya haddii Ciidanka laga qaado, Ciidanku meel kasta ha joogee Ninka Dalka duminaya waa inuu soo qabto oo Caddaaladda la horkeeno.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com