Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta gaadhay Degmada Boorama ee Xarunta Awdal,

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta gaadhay Degmada Boorama ee Xarunta Awdal, halkaasi oo todobaadadii u dambeeyay ay ka taagnay Xiisadda uu abuuray Suldaanka Somaliland ka soo horjeestay ee Suldaan Wabar. Madaxweyne xigeenka oo lagu soo dhaweeyay Boorama ayaa halkaasi u tagay ka qayb qaadashada dejinta xaaladda Awdal oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay “waxaan idiin sheegayaa inaanu u nimid hawl qaran oo Wasiiro 6 ah oo iga soo horeeyay iyo Maamulka Gobolkuba mudo wadeen, ayaan doonaynaa inaynu ka wada tashano,madaxda dawladda, dhaqanka, ganacsatada iyo waxgaradka kaleba inagoo u wada socona u jeedo qudha oo ah inuu dalku dal nabad ah oo barwaaqo ah noqdo oo wada dhisano oo aanu waxba inoo tarayn khilaaf iyo cunfi iyo in la isqabsado, taas uun baynu u wada soconaa, haddii wax inaga khaldameena waynu toosinaynaa Insha Allah.” Ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku. Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo todobaado ka hor Gobolka Awdal kaga dhawaaqay inuu ka soo horjeedo Xukumadda ayaa xiisad ka abuuray Gobolka Awdal iyadoo arintu gaadhay inay dhalinyaro taageersani ka mudo haraado Boorama islamarkaana xidho Mudaneyaasha Golaha degaanka Boorama.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com