Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ogaysiin Shirweynaha 5aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA‏

Ku: Xubnaha Suxufiyiinta Somaliland ee Ururka SOLJA
Ku: Xarumaha Warbaahinta Somaliland ee Ururka SOLJA Xubnaha Ka Ah
Uj: Ogaysiin Qabsoomida Shirweynaha 5aad ee SOLJA
Dhammaan Suxufiyiinta Somaliland ee Xubnaha ka ah ururka Suxufiyiinta Somaliland ee
SOLJA waxa aanu si sharaf iyo maamuus leh ugu war gelinaynaa in Toddobaadka Soo Socda uu
innoo qabsoomi doono Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee 5aad kaasi oo muddo
dib innooga dhacay.
Dhammaan Xarumaha Warbaahinta, Guddidii Fulinta ee wakhtigoodu dhammaaday, iyo guud
ahaan suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaan si sharaf leh uga codsanaynaa in ay u diyaar
garoobaan shirweynahaasi 5aad ee SOLJA oo aan rajaynaynao in uu innoo qabsoomo
Toddobaadka soo socda iyada oo Faahfaahinta, Goobta iyo Maalinta rasmi ahaan shirku innoo
qabsoomi doono aan idiinku soo faahfaahin doono marti-qaadka rasmiga ah ee Shirweynaha oo
aan dhammaan xarumaha iyo suxufiyiinta halkooda ugu keeni doono.
Waxa xusid mudan in liiska Suxufiyiinta shirweynaha ka qayb galaya aad hore noogu soo
gudbiseen qoraalkanina kaliya uu daarran yahay in aan is ogaysiino wakhtiga uu shirka oo
muddo badan la sugayay innoo qabsoomi doono iyada oo wixii wax ka badal ah ee xubnaha
idiinka qayb galay shirweynaha aan ka guddi qabanqaabo ahaan isla eegi doono.
Waxa sharaf noo ah wada shaqaynta toolmoon ee aad guddida qabanqaabada u muujiseen
mudadii qabanqaabada shirweynaha oo dhawr jeer dib innooga dhacday wakhtigana la taagan
yahay in uu shirweynuhu innoo qabsoomo maadaama uu muddo dhaafay wakhtigiisu, Ugu
dambayn Hay’adaha warbaahineed iyo Suxufiyiinta warqaddani sida tooska ah ugu socoto
waxaan ka codsanaynaa in wixii ay uga baahdaan gacan ku siiyeen Guddida qabanqaabada
shirweynaha ee hawsha SOLJA hore loogu wareejiyey.
Allaa Mahad Leh
Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5aad ee SOLJA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com