Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Somaliland iyo Baanka Adduunka, ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha mashaariic ku kacaysa lacag dhan 20 milyan oo dollar oo lagu horumarin doono bilicda iyo biyaha caasimadda Hargeysa.

Dawladda Somaliland iyo Baanka Adduunka, ayaa kala saxeexday heshiis la xidhiidha mashaariic ku kacaysa lacag dhan 20 milyan oo dollar oo lagu horumarin doono bilicda iyo biyaha caasimadda Hargeysa.

Sidayshabakadda Hargeisawateragency.org, Lacagtan oo ah mucaawano Baanka Adduunku siinayo Somaliland, ayaa lagu bixinayaa mashaariic dawladda hoose ee Hargeysa ku horumarinayso hagaajinta bilicda, gaar ahaan habaynta qashinka iyo meelaha biyo-mareennada ah iyo qayb lagu taageeri doono dadaallada biyo ballaadhinta ee magaalada.

Wefti ka socda dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayaan Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis ayaa kulamo ay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya kula yeesheen toddobaadkan masuuliyiin ka tirsan Waaxda Maalgelinta Magaalooyinka iyo Qorshaynta Mashaariicda (Urban Investment Planning Project – UIPP) ee Baanka Adduunka, waxay ku heshiiyeen in lacagta si toos ah loo siinayo dawladda Somaliland iyo dhaqaajinta mucaawanadan uu kala qaybsan $13 milyan oo dollar oo loogu talogalay hawlaha hourmairnta dawladda hoose ee caasimadda iyo $6 milyan oo qayb ka noqon doona biyo-ballaadhinta Hargeysa, halka kharash ilaa hal milyan ahi ku bixi doono daraasado lagu samaynayo qaabka mashruucan u fulayo, gaar ahaan kuwa dawladda hoose.

Mucaawanadan qaybteeda biyo-ballaadhinta lagu samaynayo ayaa ku wajahan ceelal laga qadayo dooxa Laas-dhuurre oo biyahooda lagu xidhi doono habka biyo-soo-saarka ee Geed-deeble si loo kor loogu qaado biyaha caasimadda oo waqtigan aan wada gaadhin magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com