Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Ciyaaraha Oo Cudud Ciidan Ku Horjoog-satay Koob-Ciyaareed Ay Soo Gabo-gabeyn Lahayd Marwo Faadumo Siciid

xukuumadda madaxweyne siilaanyo ayaa galabta Hor istaagtay in la soo gabo-gabeeyo, tar-tan ciyaareed muddo ka socday caasimadda Somaliland ee Hargeisa,gaar ahaanna xaafadda sheikh Nuur Deg-mada Gacan Libaax . kaaso loogu magaac daray marxuum Idiiris Ibraahin cabdi . ayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarah Somaliland,cali siciid Raygal u markii u oggaaday in Galabta lasoo gabo-gabaynaayo atrtankan u sameeyey mu”aamarad ah inay koob kale ka dul-bilaaban garoonkii lagu ciyaaraayey ee u ka socday Koobka loogu magaac daray marxuum Idiiris,kaaso ay dhalinyarro is xil qaantay ku xusaaysay marxuum kaas. Ayuu wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland cali siciid raygal ku wareejiyeey ciidaamo gaashaam kuwaaso u faray maamulka koobka dhigay,in aanay qaban Karin koobkaas. Faadumo oo doonaysay inay soo xidho tartankan, ayaa warbaahinta u sheegtay in aanay garaneyn sababta keentay in la joojiyo koobkan.

Waxaa kale oo wasiirku galaabta u garoonkii ku qabtay koob u sheegay in lasoo gabo-gabaynaayo,kaaso u sheegay in lagu-soo gaba-gabaynaayo garoonka looguna magaac daray,marxuum idiiris.taaso layaab ay ku noqotay shacabka ku dhaqan xaafadda sheikh Nuur. Kuwaaso si weyn uga xummaaday inqilaabka intaas le”e g ee ay xukuumadda siilaanyo kula kacayso dadka ka shaqeeya arrimaha Bulshada.

Lama ogga sababta wasiirka Gelisay Hinaasaha intaas le”e g ee galay markii u maqlay Faadumo siciid ayaa koob soo xidhaysaa,waxaanay wararku sheegayan inuu wasiirku Berya-hanbaa u il-gaar ah ku hayeey Tartan ciyaareedkan oo muddo laba bilood ah ka socday xaafadda sheikh Nuur ,isaagga oo ay wasiirka u qorsheysnay inuu maalinta lasoo xidhaayo uu ka dhex-tooso ,yidhaahdana anaga marxuum Idiris koobkan ku xusnay.

Wasiirka ciyaaraha ayaa markii u ku fashilmay inuu dhalinyaradda wadanka wax iga qabto dhinacyadda Spor-ga iyo baahiyaha asaasiga ah ay ku kaliftay in koobkan la qabtay yidhaahdo wasaaradda dhalinyarada ayaa qabatay. Faadumo siciid Ibraahin ayaa iyaddu ah sheekhsi ay bulshadda Somaliland si weyn u jeceshay gaar ahaanna dhalinyaradda oo marar badan ay si tabaruc ah, dhalinyaradda ugu qabaato koobab badan . waxaanay faadumo si weyn uga shaqaysaa arriamah bulshadda, waxaanay xukuumadda u hoggaamiyo axmed siilaanyo ula dhaqantaa si cadow-timo leh iyaaddo shaqadeeddu kaga lunto sidii ay faadumo siciid shaqadda arrimaha bulshadda banana uga dhigi lahayd.

Talaabada wasiir ayaa noqonaysaa mid fadeexad weyn ku ah waxaana dhacday inuu agaasimaha dhalinyaradda iyo ciyaaraha yidhaahdo soo xidh tartan aanay shaqo ku lahayn iyaaddo laabadi laf qab ku ah muwaadiniinta iskood isku xil-qaamay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com