Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasamn Sheekh Maxamuud,ayaa durba ku kala duwanaaday ka hadalka heshiiskii ay shalay wada jirka ugu kala saxeexdeen waddanka Jabuuti

Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xasamn Sheekh Maxamuud,ayaa durba ku kala duwanaaday ka hadalka heshiiskii ay shalay wada jirka ugu kala saxeexdeen waddanka Jabuuti maalintii shalay oo ay ka mid ahayd in la dhawro heshiiska ay labada dhinac wada gaadheen iyo in la joojiyo waxyaabaha dacaayadda ku ah heshiiska.

Madaxweynaha Soomaaliya,ayaa markii uu ku noqday xarunta dalkiisa ee Muqdisho waxaa uu sheegay in heshiiska ay ku jirto in laga wada hadlo sidii dib loogu soo celin lahaa midnimada Soomaaliya taasoo uu sheegay in laga sii wada hadli doono kulanka kan xiga ee ku qabsoomi doona dalka Turkiga ,halka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo isna geestiisa uu sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay yihiin qaar dhabbaha u xaadhaya in Somaliland ay hesho xuquuqdeeda dawladnimo isla markaana caalamka ka hesho aqoonsi buuxa isagoo tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in ay Soomaaliya ku qanacdo in ay aqoonsato Somaliland

2- Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado,lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay oo ah.

Hadaba qodobkan laftiisa ayaa dhigaya in la fuliyo waxyaabaha lagu wada heshiiayay oo ay ka mid tahay.

In laga dhawraso wixii wada hadalada carqalad gelin kara.

Hadaba waxay isweydiintu tahay mar kasta oo ay Somaliland iyo Soomaaliya heshiis wada galaan isla markaana kulan laba dhinac ah yeeshaan maxaa sababa in ay laba tafsiir oo kala duwan ka kala bixiyaan masuuliiinta Somaliland iyo Soomaaliya qodobada lagu heshiiyay.

waa jawaab run ahaan u baahan in si cad loo qeexo una taalla masuuliyiinta labada dhinac uga qayb gala wada hadalka kuwaasoo laga doonayo in ay u caddeeyaan bulshooyinkooda heshiiska uu dhinac waliba u sido dadkiisa marka la arko heshiis aanay ka dhex muuqan qolo kasta rabitaankoodu isla markaana ay si isku mid ah u sheegaan waxa ay kala saxeexdeen,ayaa la odhan karaa waxay u wada hadleen kuna heshiiyeen meel wax laga sii wadi karo,laakiin inta dhan kastaaba rabitaankiisa u fasiranayo qodobada lagu heshiiyay ee marka horeba loo dhigay sida maldahan ee hadal margiga ah wali wada hadaladu maaha qaar horu mar laga dhex arki karo waxaanay yihiin oo kaliya qodobo rabitaankooda koox waliba ka dhex arkayso kuna qanacsan tahay.

asxaabta mucaaridka Somaliland ayaa durba ka dareen celiyay qodobka ku jiray heshiiska a labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen waddanka Jabuuti isla markaana ka dalbaday Xukuumadda Somaliland in ay u caddayso nuxurka qodobkani uu xambaarsan yahay iyo waxa lagu dhiiranayo ee weftiga Soomaaliyana u turjuntay midnimo dambe oo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya,halka Somaliland weftigeeduna ku tilmaamay in uu u taagan yahay muqadasnimada Somaliland.

ugu dambayn waa qodob qeexidiisu ku maqan tahay labadii dhinac ee kala saxeexda

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com