Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Chelsea ayaa waqtiga dheeriga ah guul kaga gaadhay Liverpool oo marti ugu ahayd Stamford Bridge. gool oo uu Ivanovic Chelsea u dhaliyay ayaa u suurtogaliyay inay Liverpool guul kaga gaadho isla markaana ay kugu soo baxdo finalka

chelsea

Kooxda Chelsea ayaa waqtiga dheeriga ah guul kaga gaadhay Liverpool oo marti ugu ahayd Stamford Bridge. gool oo uu Ivanovic Chelsea u dhaliyay ayaa u suurtogaliyay inay Liverpool guul kaga gaadho isla markaana ay kugu soo baxdo finalka Capital One Cupka. Chelsea ayaana finalka la ciyaari doonta midka soo baxda Tottenham iyo Sheffied United.Finalka Capital One Cupka ayaa lagu ciyaari doonaa Wembely Stadium iyada oo la ciyaari doono 1 bisha March.

Chelsea ayaa Liverpool Stamford Bridge ku soo dhawaysay kulanka lugta danbe ee koobka Capital One Cupka. kulankii hore ee lagu ciyaaray garoonka Liverpool ayaa ku soo dhamaaday barbaro 1:1 ah. Edin Hazard ayaa chelsa kulankaas rekoodhe u dhaliyay halka uu Sterling Liverpool goolka barbaraha u dhaliyay.

Kulankan ayaa ahaa kulan adag oo ay xamaasad badan ku dheehnayd. Inkasta oo ay Chelsea gurigeeda ay ku ciyaaraysay ayayna haddana qaybtii hore ee ciyaarta samaynin wax bartilmaameed ah, laakiin Chelsea ayaa ku dooday in rekoodhe laga diiday kadib markii uu Skrtel u muuqday inuu qalad ku galay Costa oo ku jiray xerada ganaaxa Liverpool.Costa

Laakiin Costa ayaa nasiib ku lahaa inuu ciyaarta sii watay kadib markii uu si badheedh ah uu lugta iskaga taagay Emre Can, garsoore M.Oliver ayaa labadii dhacdo ee ugu waynaa ku guuldaraystay inuu wax ka qabto. marka hore Costa ayaa casaan toos ah qaadan lahaa halka uu markii danbena Costa rekoodhe loo dhigi lahaa.Arintan ayaa keeni karta inuu Costa dhib kula kulmi karo.costa2

Liverpool ayaana ahayd kooxda halista badan abuurtay qaybta hore ee ciyaarta. Reheem Sterling, Alberto Moreno iyo Couyinho ayaa Liverpool ka qasaariyay fursado dahabi ahaa oo ay goolal ku dhalin lahaayeen. Goolhaye Coutios ayaa markale kooxdiisa ka badbaaiyay laba fursadood oo goolal loo fishay.

Fursada hore ee goolka loo fishay ayaa timid Kadib markii uu Gerrard kubbad qurux badan meel fiican uga saaray Moreno kaas oo kubbad uu meel gaaban kaga darbeeyay goolka Chelsea uu goolhaye Courtios kooxdiisa ka badbadiyay.Moreno

Markale ayayLiverpool ku sigatay inay hogaanka ciyaarta la wareegto kadib markii uu Coutinho oo qaab ciyaareed layaableh soo bandhigay uu isku dhex yaaciyay difaaca Chelsea isla markaana uu samaystay banaan fiican taas oo uu guu danbayn goolka si fiican u toogtay, laakiin Coutinho ayaa arkay dadaalkiisii oo ku dhamaaday Courtios.qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barabro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada  kooxood taxadar badan muujinayeen laakiin waxay noqotay mid ay labada kooxoodba weerar isku qaadayeen, laakiin daqiiqdii 49 aad ayuu Fabregas u muuqday inuu dhaawac soo gaadhay kadib markii ay isku dhaceen John Terry. Terry iyo Fabregas ayaa doonayay inay kubbad ku qabtaan Coutinho balse iyaga ayaa si xun iskugu dhacay. Fabregas ayaana lagu soo badalay Ramires.Fabregas

Daqiiqadii 57 aad ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray Mamadou Sakho, waxaan lagu soo badlay Johnson. kadib markii uu Sakho  baxay ayay Chelsea heshay fursadihii ugu fiicnaa.Sterling ayaa helay fursad fiican balse waxaa markale ka badbaadiyay Courtios.Sterling

Hazard ku sigtay inuu kooxdiisa Chelsea u dhaliyo goolka furitaanka kadib markii uu si fiican kubbad uga farsamaysay difaaca Liverpool kadibna uu si xoogan kubbada lugta bixid ugu darbeeyay, laakiin kubbad ayaa waxyar u martay birta goolka Liverpool.Frasada ugu fiicnayd uguna halista badnayn ee Chelsea ayuu Blues ka qasaariyay Costa kaas oo kubbad uu kula soo baxay goolhaye Mignolet iska qasaariyay.costa3

waqtiga rasmiga ah ayaa ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah taas oo keentay in ciyaarta lagu daro waqtiga dheeriga ah oo 30 daqiiqo ah. Cheslea ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta ayayd mid aad uga fiican sidii ay ahayd qaybtii hore ee ciyaarta.Chelsea ayaana ogayd in haddii ay ciyaartu sii ahaato barbaro gool la’aan ah inay marka uu waqtiga dheeriga ahi dhamaado ay ku soo baxi doonto sharciga goolka aad martida ku dhaliso.Costa ayaa markale nasiib ku lahaa inuu haddana ka badbaaday kaadhka cas isaga oo haddana isku taagay Skrtel, waxaana lala yaabay in ciyaar noocan oo kale ah ay arimahan oo kale ka dhacaan.Costa4

Skrtel ayaana aad uga cadhooday in aanu garsooruhu wax qicaab ah marinin Costa inkasta oo uu isaguba ka badbaaday in rekoodhe lagu dhigo markii uu isla Costa qalad ku galay. marnaba lama filan karayn in 22 ciyaartoy oo labada kooxood ahi ciyaarta dhamaysteen.skrtel

Markii uu waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta lagu daray socday saddex daqiio oo kaliya ayuu  Branislav Ivanovic kooxdiisa Chelsea hogaanka u dhiibay kadib markii uu kubbad laaga xorta ahayd oo uu soo tuuray Willian uu si fiican madax ugu darbeeyay isla markaana uu kooxdiisa goolka ugu dhaliyay, ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Ivanovic

Liverpool ayaa waqtiyadii danbe u muuqatay inay daashay kadib markii ay xawaare badan ku socdeen qaybihii hore ee ciyaarta.Chelsea ayaana fursado badan oo ay heshay iska qasaarisay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Chelsea guusha ku gaadhay isla markaan ay ugu soo baxday finalka Capital One Cupka. Blues ayaa Wembely Stadium finalka kula ciyaari doonta midka soo baxa kooxah Tottenham iyo Sheffield United.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com