Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Nac-nac Oo Madaxweynaha Ka Difaacay Eedo Uga Yimid Mucaaridka

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nacoo ka tirsan Mudaneyaasha Wakiilada Somaliland ayaa maanta warbaahinta u sheegay hadalo u muuqda inay Suuq gayn u yihiin Madaxweyne Siilaanyo,sidoo kalena Mucaaradka duray.

Xildhibaan Nac-nac waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Madaxweyne Siilaanyo aanu xilkak ka dagi doonin isagoon dhamaystirin Jidka Isku xidha Togdheer iyo Sanaag ee hawshiisu socoto “Waddada Ceerigaabo ayaanu dhamaystiraynaa haddaanu helno Doorashada,waxaanu leenahay inta imika aanu joogno waad arkaysaan 70KM ee u horeeyay way socdaa,Insha Allahna sidaanu filayno Madaxweynuhu kamaba tagayo isagoo waddadaas dhamaystiro mooyaane.

Waddooyinka kale way iska dhamaanayaan oo waa 60KM iyo 70KM iyo waxyaabahaas weeyaane, Insha Allah Bi’idmillaahi Kariim kamaba tagayo isagoo waddadaas Ceerigaabo fura oo xadhiga ka jara mooyaane ka tagi maayo ayaanu leenahay” ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac.

Xildhibaan Nac-nac waxa uu Mucaaradka u soo jeediyay inay Xukumadda Dhaliisha ka daayaan oo dadka u bandhigaan waxay qaban doonaan “Takale Nimankan Mucaaradka ah,waar Waxqabadkiina Umadda u sheega oo waxaasaanu qabanaynaa dhaha boqol goor oo horena waanu idiin sheegnaye” .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com