Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shacabka somaliland ku war geliyey inaanay dalka ka dhici doonin wax doorasho ahi marka la gaadho 26-ka June oo ah wakhtiga ay ku beegan tahay qabashada doorashooyinku.

-xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa shacabka somaliland ku war geliyey inaanay dalka ka dhici doonin wax doorasho ahi marka la gaadho 26-ka June oo ah wakhtiga ay ku beegan tahay qabashada doorashooyinku. Masuuliyinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskooda magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo ay sheegeen in xalku noqon doono in la soo dhiso dawlad ku meel gaadh ah marka la gaadho wakhtigaasi.

 Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed Yuusuf oo shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa ugu horayntii ka waramaya ujeedooyinka shirkan ay u qabteen waxaanu yidhi

 


“Ujeedada nagu kaliftay inaanu shir saxaafadeddkan qabano waa inaanu shacabka u soo gudbino halkaay marayso doorashadii iyo xaqiiqada jirta oo ilaa hada aanay jirin cid si cad runta dadka ugu sheegtay, shacabka somaliland waxaanu u sheegaynaa inaanay 26-ka June aanay jirin wax doorasho ah dalka ka dhacayaa, waanu ka dhici karayey haddii la dadaalo suura galna way ahayd inay doorashadaasi dalka ka dhacdo, laakiin waxaynu goob joog u ahay sidii loola dagaalamay ee xeerarkii loo burburiyey ee xukuumada, golaha wakiilada iyo guurtida oo iskaashanayaa ay wakhti dheer oo ilaa sideed bilood ah uga lumiyeen geedi socodkii doorashadu inay suura gal noqoto 26-june, waanay ku guulaysteen iyagu guul ayey u arkaane inaanay doorashadu wakhtigeedii ku dhicin.”
Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Maxamed yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa inaanay xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye aanay wakhtigii sharcigu dhigayey diyaarin musharaxiintoodii uga qayb gali lahaa doorashada taas oo uu sheegay inay muujinayso inay dib u dhacayso doorashadu waxaanu yidhi “Waraysigii ugu danbeeyey ee uu madaxweynuhu siiyey warbaahinta dawlada  wuxuu lahaa doorashaduu wakhtigeedii ayey ku qabsoomaysaa, waana la maqlayey dhinacyo kale oo lahaa waa inay doorashadu dhacdaa 26-ka June, haddii ay doorashadaasi dhacayso 26-ka June waxay ahayd inay sadexda xusbi qaran ay 26-june ka hor diyaariyaan musharaxiintooda oo golahooda dhexe soo ansixiyo musharixiintooda , xisbiga Ucid mooyaane ilaa maanta ma jiro xisbi kale oo musharaxiintiisii soo saaray oo golahiisa dhexe soo ansixiyo, haddii ay dhab tahay inuu madaxweyne Siilaanyo doonayo inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto waxay ahayd  in 26-ka bishii Decenber ka hor inuu xisbiga Kulmiye fadhiisto oo soo ansixiyo musharaxnimadiisa hadii uu musharax yahay,muu yeelin hadana waxa uu leeyahay doorashadu wakhtigeedii ayey dhacaysaa.”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Xisbiga Waddani laftirkiisu waxay ahayd inuu ka hor 26-ka Decenber inuu golihiisa dhexe soo dhameeyo musharaxiintooda, iyaga oo aan diyaarin musharaxiintoodii diyaarin inay dadka ku yidhaahdaan waa inay doorashadu wakhtigoodii ku dhacdaa  waa been cad oo qaawan waanan ka baxnay anagu fikirkaas, waxaanan leenahay 26-ka June wax doorasho ah oo dalka ka dhacayaa ma jiro.”

Sidoo kale gudomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay haddii doorashadu ku dhici waydo wakhtigeeda in la soo dhisi doono dawlad ku meel gaadh ah waxaanu yidhi “Meesha waxa taala maxaa la yeelayaa haddii ay doorasho dhici waydo  taladeediina waan ku jirnaa haddii aanu xisbiyada mucaaridka ah nahay waad ogaydeen heshiis hore oo ahaa haddii ay decenber muuqato inaanay doorashadu dhacayn inuu xalku noqon doono in laga fikiro in dawlad ku meel gaadh ah la dhiso, dawlado wadaag ahna waanu maqlaynay,anaguna kamaanu bixin wixii aanu mucaaridka la galnay, laakiin anaga waxaad naga maqlaysaan haddii maalmaha soo socda mawqif midaysan oo ah maxaa la yeelayaa  26-june doorasho ma dhacaysee inaad maqli doontaan, guddida doorashooyinkuna hawshii si fiican ayey u wadaan waanay dedaalayaan inta taagooda ah,  waxaanu eegnay hawlaha faraha badan ee isdulsaarnaa ee xataa iyaga loo diiday inay qabsadaan, laakiin fariinta aanu ka fahanay xog warankoodii iyaduna waxa weeye inaan doorashadu dhacayn 26-june.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com