Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Daba-galka Hubka Oo Badhitaan Ku Samaynaya Hubka Lagu Qabtay Berbera.

Kooxda Kormeerka Cuna-qabataynta Hubka ee Qarammada Midoobay (UN Monitoring Group), ayaa la sheegay inay booqdeen markabka hubka sida ee ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland ku qabteen Dekedda magaalada Berbera toddobaadkan.

Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Jamhuuriya u sheegayshalay inkhubaro ka socda kooxda kormeerka hubka ee Qarammada Midoobay ay dekedda Berbera gaadheen maalintii Salaasada, isla markaana fuuleen markabka hubka sida, kuna arkeen noocyada saanadda saaran.

Ma jiro war rasmi ah dawladda Somaliland iyo Kooxda Kormeerka Hubka ee Qarammada Midoobay ka soo saareen ujeeddada safarka ay ku tageen Berbera iyo waxyaabaha lagu arkay markabkaas, balse sida iluhu tibaaxeen kooxda Kormeerka UN-ka oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo saraakiil kale, ayaa dusha u fuulay markabka, kuwaasoo indho-indhayn ku sameeyey hubka saaran, waxayna warbixin ka qorteen masuuliyiinta dawladda iyo hawlwadeennada markabka la qabtay.

Hase ahaatee, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xaqiijiyey in baadhitaan culus lagu wado hubka saaran markabka ku xidhan dekedda Berbera, iyadoo aanay caddayn nooca baadhitaankaas iyo cidda baadhaysa toona.

“Markabkaasi wuu xidhan yahay, hubkana waa laga dajinyaa, sidaasna wuu ku xidhan yahay wax dib loo saraayaana ma jirto badhitaano xooggana way ku socdaan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey arrinta markabkan mar uu shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Jamhuuriya u sheegay in dawladda Suudaan la soo xidhiidhay xukuumadda Somaliland, kuna wargelisay inay leedahay hubka saaran markabka lagu hayo Dekedda Berbera, isla markaana kaga qaybgalayaan carwo hubka ah oo lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, 22 ilaa 26 February 2015.

HUBKA BERBERA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com